Madaxweyne Obama oo ku dhawaaqay in xaalada Soomaaliya ay ku tahay “ khatar amniga qaranka Mareykanka.”
Warqad taariikhdeedu ahayd 20-kii July ee sanadkan 2012ka oo madaxweynaha Mareykanka, President Barack Obama, u diray kongerayska Mareykanka ayuu ku qeexay in xaalada ay Somaaliya hadda ku jirto ay “ khatar aan caadi ahayn ku tahay nabadgelyada qaranka Mareykanka.”
Madaxweynuhu waxuu sheegay in “burcadbadeedka, fowdada sii kordheysa, iyo marxalada nabadgelyo ee Soomaaliya oo kasii daraysaa” ay sababtay talaabadan uu qaaday.”
“Waxaan ogaadey in kasii darka xaalada nabad gelyo iyo shaqaaqadaha joogtada ah ee ka jira Soomaaliya, iyo budhcad badeedka hubaysan ee dhaca ka geysta xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo hadheeyay mawduucyada ay had iyo jeer Qaramada Midoobay Golaheeda Amaanku ay kasoo saaraan go’aamada, iyo in ku xadgudubka cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay saartey Soomaaliya ee qaraarkiisu ahaa 733 bishii Janaayo 23-keedii ee sanadkii 1992, oo qaraaro kaloo ka danbeeyayna lagu kordhiyay, ay saameyn weyn oo aan caadi ahayn ku leeyihiin nabadgelyada qaranka iyo siyaasada arimaha dibada ee Mareykanka. Si loo wajaho khatartaas, Wareegtada madaxtooyo ee lambarkeedu yahay E.O. 13536 waxuu xanibayaa hantida iyo dhaqaalaha shakhsiyaadka liiskoodu ku cad yahay Lifaaqa E.O. 13536 amaba uu qeexay wasiirka maaliyada isagoo la tashanaya wasiirka arimaha dibadda, si ay u waafaqdo sifooyinka ku qeexan E.O. 13536.
Warqadaas waxaa la gaarsiiyey Kongerayska Mareykanka 23-kii July ee sanadka 2012-ka, loona akhriyay dabadeedna u gudbiyeen Golaha Arimaha Dibeda ee Mareykanka.
Qaraarkaa wareegtada madaxtooyo ee 13536 waxuu madaxweynuhu ku ladhay awood siinaysa madaxweynaha inuu u xilsaaro xoogag daba gala cid kastoo lug ku leh waxa uu ugu yeedhay “khatar toos ah iyo mid dadbanba oo saameysa nabadgelyada, amaanka amaba xasiloonida Soomaaliya.”
Arintaa waxaa loola jeedaa dadka “khatar gelinaya hayadaha dowliga eeTFG-da ama dhiraandhirinta maamul dowli ah oo mustaqbalkaba u dhasha Soomaaliya.”
Dadkaa waxaa ka mid noqonkara: Cidwalba oo is hortaagta gudbinta gargaarka bini’aadnimo, lagu helo xatooyo xoolaha dadweynaha iyo ciddii maalgelisa dhaqdhaqaaqa, tababarada iyo gacan siinta kooxaha argagaxisada ah sida Alshabaab.”
Halkan ka daawo video: Al Shabaab http://www.youtube.com/watch?v=QwCVrkpQD7s
Warqadu waxay kaloo tibaaxaysaa in la mamnuuco in dhuxusha Mareykanka looga soo dhoofiyo Soomaaliya haday tahay si toos ah iyo si dadbanba.
Dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya waxay “dakhli wax ku ool ah” u tahay ururka argagixisada ee Al Shabaab, waa sida uu madaxweynuhu yiriye.
Halkan ka daawo video: shir jaraa’id oo ku saabsan dhuxusha oo la mamnuucay in laga dhoofiyo Soomaaliya http://www.youtube.com/watch?v=Y5ER-nrquo0
Wareegtada madaxweynuha waxaa loola jeedaa in lagu mamnuuco ama in lagu joojiyo dhoofinta dhuxasha Soomaaliya si toos ah iyo si dadbanba.
Waxaa kaloo madaxweynuhu doonayaa in la jaro waxii Ganacsi “aan ahayn maxali” ee kasocda dekadaha Al Shabaab xukunto.
Halkan ka daawo video: Alshabaab oo kasii laadlaada dekad magaalo Soomaaliyeed. http://www.youtube.com/watch?v=h7A5Ujp67lg
“Iyadoo loo eegayo qaraarka lambarkiisu yahay 2002 ee ay Qaramada Midoobay Golaheeda Amaanku soo saareen 29-kii bishii July, 2011, ciddii lug ku yeelata ganacsi aan maxali lahayn oo wax u maraan dekadaha Al Shabaab xukunto kaasoo caawinaya cid dhaqaalahooda ay xayirtay wareegtada E.O 13536, waxaa iyagana sharciga la tiigsan kara xoogaga lagu xilsaarey wareegtada E.O. 13536, sida ku ladhan amarka wareegtada. Amarku waxuu hirgelayaa laga bilaabo 2-da duhurnimo ee wakhtiga bariga Mareykanka taariikhdu markay tahay 29-ka july ee sanadkan 2012-ka. Waxaan u xilsaarey wasiirka maaliyada, isagoo la tashanaya wasiirka arimaha dibada, awooda uu ku fulinayo hawlahaas oo ay ka mid yihiin shaacinta iyo meelmarinta amaawiirtaas, uuna ku dhaqaaqi karo dhamaan awoodaha uu madaxweynaha leeyahay ee ay siisay IEEPA (International Emergency Economic Powers Act; waa sharci mareykan oo federal ah oo awood u siiya madaxweynaha inuu maareeyo waxii ganacsi ajnebi ah ee khatar aan caadi ahayn ku ah wadanka Mareykanka) hadba sidii ay u noqoto lagama maarmaan in la fuliyo ujeedooyinka amarkaas. Dhamaan hay’adaha dowlada Mareykanka waxaa lagu amray inay qaataan talaabooyinka haboon ee awoodoodu u saamaxayso si ay u fuliyaan amaawiirtaas. Waxaan kusoo daray nuqul ah Wareegtada Madaxtooyo ee aan anigu soo saarey, oo aan saxeexay july 20, 2012 Barack Obama, The White House.












