Damaca Dadban (Ku Dirirka Xildhibaanada), Doorkii isimada iyo Dayrinta Laascaanood.
Waxaa maal mahan la rajaynayey soo xulistii xubnihii reeraha Soomaaliyeed uga qayb geli lahaa Baarlamaanka, xubnahaasoo sida aad la wada socotaan xuliddooda loo xilsaaray hoggaamiye dhaqameedyada Soomaaliyeed. Haddaba waxa la yaab ku noqotay dadweynaha Dhulbahante markii “Siyaasiga Guud” uu lasoo baxay qorshe cusub oo uu ku doonayo inuu isagu magacaabo xildhibaanada Dhulbahante dhammantood. Siyaasigu isagu xaq wuxuu uleeyahay inuu Garaadka raaskiisa soo maro kalana soo tashado in isaga lagu daro baarlamaanka sidaasna iimaansado hadday isku afgartaan. Arrinka layabka lihi waxa weeye markuu “Siyaasiga Guud” (Dr. Galaydh) isku dayey inuu isagu soo xulo xubnihii Baarlamaanka ugeli lahaa reerihii kale ee Dhulbahante. Xaggee buu ka keenay awooddan.
Nassiib wanaag sidaannu ku helayno wararka dhammaan madaxdhaqameedkii Xamar joogey ee Dhulbahante mid mooyee way ku gacan saydheen damacan indhaha la’ ee Dr. Galaydh. Waxa kaloo arrinkan iyana ku gacan saydhay nimankuu horjoogayaasha uga dhigay Mashruuciisa Khaatumo, gaar ahaan Karaash iyo Biindhe iyo xubno ka tirsan golihiisa “wasiirrada”.
Haddaba waa kuwee xubnaha “Siyaasiga Guud” rabo inuu ka dhigo xildhibaannada uu rabo inay isaga hoos yimaaddaan? Cid kale maahee waa badi gacanyarayaashiisa uu ula baxay “G10” ama “Gangs of Ten”.
Waxa Xamar hadda ka taagan xiisad aad ukacsan oo udhexeysa Isimadii iyo “Siyaasiga Guud” iyo wuxuu cagaha ku xaadho. Waxa xusid mudan markay isimadu diideen damacii Dr. Galaydh inuu siday caadadiisu ahayd uyeedhay gacanyarayaashiisii dhammaan si ay cadaadis u saaraan madax dhaqameedka Dhulbahante, intaa kumuu joogine wuxuu soo wargeliyey dhammaan wakilladiisii jaaliyadaha qurbo joogta si ay iyana cadaadis usaaraan Isimada Xamar jooga uguna khasbaan inay aqbalaan talada siyaasiga guud haddii kale in Isimmo kale laga dhinac samaynayo ama kalsoonida lagala noqonayo!
In badan baa Taleex Media ka digtay hagardaamada iyo damaca indhaha la’ ee uwado Dr. Galaydh dad badan baa lahaa ninkani waxaba dooni maaye ee dhibkuu inaga saarayaa, maanta ha ucaddaato in wixii saddexda sano dad badani udhinteen, carruur badan caanahoodii looga gooyey (si lacagta loogu diro soo celinta degaannada maqan, oo ay Laascaanood ugu horeyso) qoysas badani oo qurbaha kunooli ugu burbureen , in badanni ugu hanti beeleen inaanay ahayn in Dhulbahante lagu mideeyo ama degaannada maqan lagu soo celiyo ee ay ahayd in “Siyaasiga Guud” bislaysto maskab siyaasadeed.
Editor: Taleex Media Online.













