Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweyne Faroole oo ay ka mid yihiin Raisal Wasaare Gaas iyo Danjire Mahiga oo manta Garoowe uga ambabaxay Nayroobi.
Waxaa saaka hiirtii ku waabariistay magaalo madaxda Dowlada Puntland Raisal wasaaraha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya, Cabdiweli Gaas iyo Danjiraha Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga. Kadib kulan gaaban oo albaabadu u xidhanyihiin oo ay la yeesheen madaxda sar sare ee Puntland oo ay hor kacayeen Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole iyo Madaxweyne ku xigeenka Jen. Cabdisamed Cali Shire oo ay halkaa ku siiyeen warbixin ku saabsan qaabka arimaha doorashada barlamaanka federaalka uga socdaan Muqdisho iyo sidii qaswadeyaal laaluush, cago-juglayn iyo is dabamarteyn la suuraafaya meel looga soo wada jeesan lahaa, umadda iyo dalkana looga qaban lahaa iyadoo lala kaashanayo bulshaweynta caalamka iyo qaanuunyada Qaramada Midoobay.
Madaxda Dowlada Fedaraalka, Qaramada Midoobey iyo Dowlada Puntland ayaa dhamaan arimihii ay kawada xaajoodeen si mug leh isugu af gartay.
Kulankaas kadib ayaa waxaa u ambabaxay magaalo madaxda dalka Kenya, Nayroobi, wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlada Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole iyadoo ay weheliyaan Raisal wasaare Gaas iyo Danjire Mahiga.
Madaxweynaha, Raisal wasaaraha iyo Danjiraha waxaa safarkaas ku weheliyay Wasiirka Howlaha guud iyo Gaadiidka, Daahir Xaajir Khaliif, Fanaanada Qaranka Soomaaliyeed, Marwo Saado Cali Warsame iyo xubno kaloo cul culus oo ka tirsan xakuumada Puntland.
Madaxweyne Faroole oo war bixin kooban ka siiyay saxaafada ujeedada socdaalkooda ayaa sheegay in muhiimada ugu weyni tahay kulan ay Nayroobi kula yeelan doonaan dhamaan saxiixayaasha Geedi Socodka Nabadaynta Soomaaliya. Waxuu kaloo madaxweynuhu xusay inay kulan gaar ah la yeelan donaan Wasiirka arimaha Dibada ee Dalka Markeynka, Hillary Clinton.
Waxii faahfaahin ah ee soo kordha kala soco Taleex Media Online.
Editor: Taleex Media.











