Published On: 5 August 2012 10:10 pm

Farqiga degaanka fidmada qarsoon iyo faaqidaaddii Taleex media. (Video based Evidence)

Halkan waxaan rabaa inaan akhristayaasha ugu soo gudbiyo laba cajladood oo lagasoo duubay laba degaan oo ka wada tirsan carro Dhulbahante. Waqtiga cajladahan lasoo duubay waa badhtamihii December 2011 oo dhulku dayr fiicani ku hoortay.

Haddaba sidaad ku arki doontaan labadan muuqaal waxay ka turjumayaan laba degaan oo kala duwan dabiiciyan.

1)      Xagga dhulka : Dhul waa dhul barwaaqo ka muuqato oo xooluhu si xasilloon ugu negyihiin, si ammaanana uwada daaqayaan, shinbiruhuna xitaa faraxsanyihiin oo xamdi naqayaan. Degaanka kale waxaa ka muuqata omos iyo qodxo iyo dayac.

2)      Xagga dadka: Qolo waa qolo u’eg dad cokan oo qabow kuna qanacsan barwaaqadaa eebbe ku mannaystay uguna xamdi naqaya, cid kalena aan wax ka sugayn uguna dudayn, uguna cabannayn.  Qolada kale waa dad oomman oo  miliqsanaya oo qulub ka muuqdo (stress) oo ilkaha isla dhacaya. Waa dad cabanaya oo leh xaq baa naga maqan, dhulsheeganaya aad ubaalladhan, dad kale eedaynaya. Waa dad leh wax hanalala soo gaadho.

3)      Haddaad fiirisid cajladaha mid (tan Dooxooyinka Taleex) waxaad ku arkaysaa nin oday ah oo layidhaahdo Aadan Cali oo xarragoonaya oo dhalaalaya, wuxuu sharraxayaa degaanka iyo hodantinimadiisa, wuuna ku xamdi naqayaa. Waxa xiga Hooyo Khadiija oo caddaynaysa inay degaankooda ku qanacsantahay noloshooduna wanaagsantahay waxayna leedahay “Noloshayadu waa wanagsantahay 100% ilaahay mahaddii” waxay intaa ku daraysaa “ Reer miyiga caafimadkiisu wuu wanaagsanyahay, hawo fiican buu leeyahay” . Maxammed yare oo kalsooni badani ka muuqato oo dhoolla cadaynaya  geeliisana dhexjooga ayaa weriyuhu codbaahiya kusoo dhowaynayaa. Maxammed wuxuu si kalsooniya ucaddaynayaa inusan magaalo hunguri uqabin isaggoo leh “Noloshaydaan ku qanacsanahay waxaanna jeclahay inaan noloshayda ku negaado” Maxammed wuxuu caddaynayaa inuu geliisa jecelyahay  ayna waajib tahay hadba wixii la haysto in la jeclaado oo lagu kalsoonaado. Qurbo joog reer Taleex ayaa ugu danbayntii iyana ilaahay ugu mahadnaqaya barwaaqada ilaahay ku mannaystay dadkana ku boorinaya inay iimaansadaan waxa eebbe siiyey uguna mahadnaqaan Allaah.

          HALKAN KA ROGO CAJALKA TALEEX.

4)      Cajladda kale ee xagga Saaxdheer laga soo duubay waxaad arkaysaa dad ka la waraysanyaa dhammaan waa dad sed doon ah oo cabanaya oo belo iyo baas sheeganaya, oo weliba gaalo madow cadowga Soomaliyeed ah uqaylodhaan dirsanaya.  Hooyada reer Saaxdheer iyadu waxayba sheegtay in ilaa 300 oo haween ah  oo reer Saaxdheer ahi udhintaan dayac sannad walba. Halka hooyadii kale ka tidhi miyiga caafimaad baannu ku haysannaa iyo hawo! Nin da’aadda dhexe ah ayaa ku xigoo isagu Addisababaabu Amxaaro lasheegtay. Odayguna isna degaan weyn buu iclaamiyey oo dayac ka jiro qaylodhaanna Amxaaruu udirsaday. Ugu danbayntiina Garaadkii reerka ayaa isna darajadii wiilasha mareeguhu bixiyeen sheegtay oo ku bilaabay inuu yahay “Garaadka Guud” ee Dhulbahante. Waxa xaqiiqo ah in Garaad Jaamac kazoo jeedo saldanad Garaadnimo oo qoto dheer, laakiin waa Garaadnimo Bahararsme. Waxaa jira reero balladhan oo Dhulbahante ah oo leh saldanado qarniyo jirey, kuna iimaan qaba raaska ay saldanada uhayaan (Garaad kastaase meeshuu joogo wuu ku metelaa Dhulbahante, isagoon  sheegan darajo aan loo dooran sida Garaad Guud).

Gebagebadii sidee laysugu keenayaa farqiga udhexeeya labadan degaan oo qolona doonayso wax aysan lahayn , kuna kalsoonayn meeshii alle ku abuuray iyo nimcadii la siiyey. Qolada kalena aanay cidna waxba u’ogayn kuna kalsoonyihiin wixii eebbe siiyey kuna xamdi naqayaan.  Ma idinla tahay dhibka Dhulbahante hayaa wuxuu salka ku hayaa nin wuxuusan lahayn doonaya cidkalena aan waxba u’oggolayn hadduu waayo wuxuu doonayana reerka dab ku shidaya. Iyo dhanka kale nin aan cidna waxba u’ogayan oo sidaa Aadan Cali iyo Maxammed Yare iyo Hooyo Kahdiija iimaansan nimcadaa Eebe siiyey, kana ilaashanaya Waraabaha xeradiisa usoo dhacaya, garanayana oo og qiimaha nimcadaa eebbe siiyey leedahay.

               HALKAN KA ROGO CAJALKA SAXDHEER.

Waa Taleex Media oo idin leh daawasho iyo dhuuxid sugan.

Editor: Taleex Media