Published On: 8 August 2012 7:21 am

Dil Taleex Dhowaan ka Dhacay oo Si Diiniyan ah, Tolnimona ku jirto Looga Heshiiyay

 

Dhowaan waxa degmada Taleex ka dhacday dil uu ku dhintay nin dhalinyaro ah oo asal ahaan kasoo jeeda degaanka Saaxdheer/Kalabeydh ( Bahararsame reer Samatar) . Dilkaasi waxa uu ku dhacay si kedis ah oo qaddarta ilaahay ah waxaana geystey nin dhallinyaro ah oo kasoo jeeda reer Taleex (Samakaab Cali).
Waxa isla markii dilku dhacay reer Samakaab Cali Go’aan ku gaadheen inay gacanta ku dhigaan wiilkii sababta dhimashada lahaa, intaa waxaa xigtay isla maalintiiba waxa caaqilka reer Samakaab Cali iyo nin garboodkiisii iyo Aabbihii wiilka shilka geystay oo markaasi nasiib wanaag joogey Soomaaliya kuna sugnaan goroonka diyaaradaha ee Berbera ay la wada xidhiidheen raaskii wiilku ka dhintay. Waxayna bartilmaameedsadeen ugu horayn Aabbihii iyo hooyadii marxuumka geeriyooday waxayna tacsi dabadeed ku wargeliyeen in sida shreecada islaamku qabto ay gacanta usoo gelindoonaan wiilkii sababta lahaa. Waxa xusid mudan in Aabbihii wiilka shilka geystay dhalay uu diyaaraddii hore uraacay Asbuuc ka bacdina uu dib Soomaaliya ugu soo noqday si uu arrinkaa usoo afjaro, shaqadiisii iyo danihiisii kalena usoo baajiyey.

Surat Al-Baqarah (2: 178)

2:178
Haddaba maanta oo ay taariikhdu tahay 07/08/12 ayaa labadii raas ku kulmeen degmada Taleex sidaasna ay reer Samakaab Cali ugusoo gacangeliyeen Bahararsame ninkii shilka geystay. Hadaba ummadda Islmaamka waxa ilaahay ujideeyey saddex arrimood inay midkood yeelaan qoyska dhibku gaadhay taasoo ah:- Inay qisaastaan, inay diyo ka qaataan iyo inay samraan.
Suurat Isr’a (17:33)

17:33
Nasiib wanaag reer Samatar waxay door dideen, markay arkeen sida tolnimada, xilkasnimada iyo Islaamnimada ah ee ay reer Samakaab Cali (Nuur Axmed) yeeleen inay diyo qaataan sidasaana labadii reer iyagoo iskaga raalliya gacmaha isku saareen, Alle bari iyo ducona kuwada gaadheen.
Gebagebadii arrinkani ah in denbiilaha gacanta loo geliyo dulmanaha waa arrin ku dayasho mudan. Reer Samakaab Calina waxay jideeyeen sunne diini ah oo ilaahay ina faray kaasoo wadada ufuraya in ummaddu kala badbaaddo shareecadana la oogo. Reer Samakaab Cali waxaa Taleex media ku ammaanaysaa tallaabadan geesinimada leh ee ay qaadeen, waxaannu Soomaalida kale guud ahaan iyo Dhulbahante gaar ahaan ugu baaqaynaa inay tallaabadan oo kale qaataan, qofkii dil geystana ku oogaan xuduudda Allah.
Gaar ahaan waxaa ammaan gaar ah iyo ducoba aannu usoo jeedinaynaa caaqilka reer Samakaab Cali Caaqil Cabdirashiid Awcali Shire iyo Aabbihii dhalay wiilka gacantu ka dhacaday oo dib ugu soo laabtay Taleex shaqadiisiina uga soo tegey si uu ufilyo xuduudda Ilaahay.
Editor: Taleex Media