Published On: 8 August 2012 6:32 pm

Cabdiwali M Cali Gaas Somaliya Ayaa Ubaahan

Waxaan ku bilaabaya magac Allah ee Naxariis oo dhan iska leh

Somaliyeey maanta waxaa cid walba oo Somali ahi ogtahay

  • In qaranimadii iyo dawladnimadii Somaliya dhuntay
  • In sharaftii iyo karaamadii Somaliya dhuntay.
  • In kalsoonidii iyo is aaminkii dhuntay.
  • In daacadnimadii iyo cadaaladdii dhuntay.
  • In isu arxankii iyo is ixtiraamkii dhuntay.

Arimahaasi waxay na gayeey siiyeen burbur aan kasoo kaban waynay rubuc qarni, qof inaka mid ah oo Somali ah oo arintaas moog ma jiro maanta.

Marka suaashu waxay tahay yaa innagu kallifay rubuc qanri mudda dhan inaan ka soo kaban wayno foolxumooyinkaas inagu habsaday?

Qof noocee ah ayaase soo celin kara qaranimadii, dawladnimadii, sharaftii, kalsoonidii, daacadnimadii, cadaaladdii, isu arxankii iyo ixtiraamkii?

Waxaa inagu kallifay cadowgeen oo aan doonayn

  • Inaan xoog iyo awood lahaano.
  • Inaan sharaf iyo magac lahaano.
  • Inaan gacmaha is wada qabsano
  • Inaan wax wada cunno oo mid ahaano.
  • Inaan is taakulayno oo isku tiirsanaano.

Yaa cadowgeen ah oo aan wanaaggeena jeclayn?

Somalidu waxay ku maahmaahdaa labaa dad kuugu daran geesi cadowgaa ah iyo doqon xigtadaada ah…

Waxay ila tahay inaysan u baahnayn cidda ah geesi cadowgeen ah sababtoo ah Somalidu waa garan kartaa dawladaha cadowga u ah oo aan marnaba doonayn midnimada Somaliyed, oo haddana maanta adduunkoo dhan ka gadaya inay doonayaan ama ay wadaan sidii loo soo celin lahaa midnimadii iyo dawladnimadii Somaliya.  Abwaan hore gabay uu tireyey ayaa ahaa….

Baadida ninbaa kula deydeya, daalna kaa badane

Oon doonahayn inaad heshana, daayin abidkaaye

Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne

Dallo malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayaye

 

Dawladahaasi hadday noqon lahaayeen kuwa african ah iyo kuwo kalaba cid ay maanta ka qarsoon yihiin ma jirto anna inaan faah faahin ka bixiyaa looma baahna ayaan filayaa.

 

Doqonka xigtada ah oo aan doonayn inaan magac iyo karaamo lahaano waa kan meeshaas ina dhigay waxayna u qaybsamaan labo Danayste iyo Damdamle.

 

Danayste… Sida kalmadda laga dhandhan sanayo ama macnaheedu qeexayo waa ruux aan xeerinayn wanaag iyo sharaf wax kastana ka hormarinaya dantiisa u gaarka ah aan kala jeclayn dhibaata kasta oo bulshadaas soo wajahaysa… (fadlan akhri maqaalkii ahaa Jaah Wareerka).

Danasyte dadkii waxuu baday in is aaminitaankii noqdo waxaan suurta gal noqon karin oo qof qof kale aaminayaa jirin, waxuu ugashadaa shaarka qofka daacadda ah markuu doonayo in uu meel ku gaara bulshadaas. Taasina waxay  keentay in dadku jaah wareer ka qaadeen kii daacadda ahaa iyo kii danaystaha ahaa maadaama mid kastaaba leeyahay wax baan qabanayaa oo nidaam cadaalad ah ayaan samaynayaa waxaan ku dadaalayaa midnimadii soo celiyo…iwm.

Danayste reer baanu kala jeclayn, wadaniyad baanu kala jeclayn jeebkiisa iyo magaciisa waxaan ahayn ma xeeriyo jago ka xaaraansanna ma jirto hankiisu waa maxaan liqaa, tusaale ahaan Musharaxiinta maanta tartamaya kii Danayste ah waxaa lagu garan karaa…

Musharaxa reerkiisu isu soo sharaxi karaan Madaxwayne ama Raysalwasaare oo doonta inuu Raysal Baarlamaan isu soo sharaxo isagoo u tartami kara Madaxwayne ama Raysal Wasaare waxaa ku jirta xumayn uu isleeyahay ku xumee kuwa kale ee reer kiisa ah ee isleh Labadaas jago u tartama isagoo ujeedadiisu tahay yaanay helin.

Taasna waxaad ka garan kartaa inaan ruuxaasi magaca, karaamada iyo sharafta reer kiisa kala jeclayn ee uu dantiisa kaliya u leg damayo. Mar hadduu karaamada iyo sharafta reerkiisa dhowri waayey ma cid kaluu tooda dhawrayaa jawaabtu waa maya somalidaa horay u tiri tiisaba daryeelaa tu kale ku dara… nin sumcadda reerkiisa dhowri waayey mid Somaliyeedna dhowri maayo.( Doqon xigtadaada ah).

Damdamle waa ruux malaasan oo aan codkar ahayn garasho iyo han fiican lahayn, haddana jecel inuu magac iyo karaamo helo(fadlan akhri maqaalkii ahaa Jaah Wareerka) Tusaale ahaan xafiis kasta waxaa jooga rag iyo dumar hoodaddo ah oo aan waxba qaban karin, qofkii wax qaban lahaana aan ogalayn inay gudbiyaan iyagoo ka baqaya in ruuxaasi booskooda lagu bedelo maadaama uu qaban karo wax yaabo badan oo aanay qaban karin. Taasina waxay keentaa in dadkii isu taagay inay wanaagga wax ka qabtaan ay soo geli waayaan aagaggii xafiisyada madaxda ama fursad ba ay u waayaan inay la kulmaan. ilaa ay ka maleeyaan inaan madaxdu doonayn inay la kulanto, oo ay  markaa eed madaxdii dadkaasi dusha uga tuuraan. Waxaana laga yaabaa ama xaqiiq ahba inaan madax daasi waxba ka ogayn dadkaas laga hor istaagay inay la kulmaan oo wax badan tari lahaa. Waxaana dhici karta in xafiisyada madaxdaasi curyaamin badan oo shaqo xuma ah soo faadsaarto iyadoo ay eedeeda leeyihiin duulkaas Damdamla yaasha ah ama aan u aqaano HOODADDO(Doqon xigtadaada ah).

Haddaan usoo noqdo suaashii ahayd qof noocee ah ayaa soo celin kara…Waxaa soo celin kara qaranimadii, dawladnimadii, sharaftii, kalsoonidii, daacadnimadii, cadaaladdii, isu arxankii iyo ixtiraamki ruux…

  • Dulqaad leh oo daacad ah
  • Damiir iyo Dareen leh
  • Ixtiraam iyo qadarin leh
  • Turiinsho iyo ka damqasho leh
  • Waxna qaban kara…

Sifahaasna waxaa leh Cabdiwali M Cali Gaas…

Wax Qabad

Waxaynu wada ognahay in Cabdiwali Raysalwasaare loo magacaabay 23/06/ 2011 waxaa baarlamaanku u codeeyeen 28/06/2011kii..

20/07/2011 waxuu magacaabay xukuumad 18 wasiir ka koobnayd isla bishaas taariikhdu markay ahayd 28 /07/2011 waxaa la dhaariyey oo shaqo bilaabay xukuumaddii uu dhisay Cabdiwali M Cali Gaas…

Taariikhdu markay ahayd 23/06/2011 mawjadaha alshabaab waxay hirdinayeen meel aan wax badan ka durugsanayn madax tooyada…. 06/08/2011  waxaa xamar ka baxday Alshabaab. Ilaa maanta gobolo iyo degmooyin badan kuwada jiraan gacanta dawladda oo aan markii hore aan ku jirin oo ay haddana mawjadihii TFG ay maanta hirdinayaan meel aan wax badan ka durugsanayn Xaruntii ugu muhiimsanayd Alshabaab ee Kismaanyo.

Waxaa kaloo aan ka war haynaa is bedeladda badan oo uu ka sameeyey dhankii siyaasadda dibadda oo dawlado badani arinta Somaliya saamayn ku yeeshay sida shirarkii ka dhacay Britain, Turkiga iyo Italy oo dawlado badani kasoo qayb galeen.

Waxaa iyana xusid mudan in miiska la soo fariisiyey Somaliland oo ah tallaabo aan horay u dhicin in ay suurtoowdo xukuumidiisa ka hor… waxaa kaloo jirtay in abaarihii xukuumaddu ay dadaalo badan ka samaysay, musuq maasuqa iyadana dadaal badan ka samaysay inkastoon Somalida inta eedaynta jeceli inkiraan oo qariyaan wax kasta oo aan dadku wada arki karin…

Somaliyey anigu shaqsi ahaan waxaas oo dhan waxaa iga wayn hal wax oo ah inaan helno Dawlad maamulkeedo wada gaaro Somaliya oo dhan oo shicibku isaga gooshaan magaalo kasta iyagoon hagar daamo ka baqayn inay soo gaarto iyaga iyo maciishadooda… waxaana aan aamin sanahay in taas lagu heli karo inagoo is aamina oo kalsoonideenii soo ceshanna taasna waxaa inagu hogaamin kara waa ruux leh Dulqaad, Cabdiwalina waa ruux aad iyo aad u dulqaad badan haddaan lays xasdayn.

Dulqaad...

Dulqaadka waxaan ugu baahanahay waxaa inaga batay lugooyadii iyo anigaa khayrkii wada iyo wanaaggii. Taasoo been iyo waxaan jirin aakhrika isugu soo biyo shuban jirtay. Waxayna dhashay logooyadaasi inaan dadkii kaa akhrisan hadaad ku tiraahdo bohosha iska jir oo haku dhicin. Marka waxaa loo baahan yahay ruux u dulqaata wax kasta oo eedayn iyo rumaysi la’aan ah oo ka horyimaada dadkana tusa inuusan la mid ahayn duulkii hoogga baday oo uu ka duwan yahay isagoo waxii uu ballan qaaday oofinaya. Isagoo shaqsigaasi wax qabadkii iyo dulqaadkii isku wada dadkuna markaa arkaan inuu daacad yahay kana dhabaynaya ballan qaadyadii uu ku dhaartay markuu tartamayey, ilaa uu ka kasbado in dadku garab istaagaan.

Waxaynu marka wada ognahay tan iyo intii uu xilka qabtay Cabdiwali is hor imaadkii harayn jiray madaxda sare ee TFG ee hadba waddan looga yeeri jiray sii loo soo  kala maslaxo aanay dhicin.

Waxaa markaa meeshaa fiirin uga baahan horta wax laysku qabsadaa ma dhacday oo la oran karo Cabdiwali dulqaad ayuu ka sameeyey…jawaabtu waa haa…

Tusaale haddaan usoo qaato waxaa laysku raacay wax la yiraahdo tubta nabadda oo laysku afgartay in Somaliya lagu saleeyo sideed iyo tobankii gobol dhammaan lixda saxiixa yaasha ahi waa isku raaceen oo qalinkay ku duugeen.

Haddana in madaxda qaar si toos ah ugu dhawaaqeen

  • in gobolo kale ay sameeyeen, degmooyin cusub sameeyeen…
  • Wasiiro shaqadii laga eryo oo wasiiro kala la magacaabo.
  • Maamul goboleedyo aan shuruuddii 18 gobol buuxin la aqbalo…iwm

Cabdiwali waxuu arimahaas is qabqabsiga keeni kara sameeyey dulqaad aad u wayn isagoo xoogga saaray sidii loo heli lahaa is bedel wayn oo xeer(dastuur) laysu cuskan kara xanbaarsan si markii arimahaasoo kale u yimaadaan loo helo sharci kala haga oo aan lagu xadgudbin… waana Allah mahaddii waxaa Maanta Somaliya yeelatay Dastuur loola noqon karo markii caqabadi soo food saarto madaxda dhexdeeda.

Marka Somaliyeey haddii sanad gudihiis xukuumaddii Cabdiwali ina gaarsiisay is bedello aad u badan oo aan been iyo haghago ahayn… Miyaanay ahayn wax Allah swtc loogu mahad naqo oo la yiraahdo Rabbiyoow mahaddaa adigaa Cabdiwali noo soo diray.

Somaliyeey miyaanay ahayn inaan siino Madaxwayne oo ku garab istaagno mar haddii mudadii gaabnayd ee uu Raysal Wasaaraha ahaa aan hawaysannay sifaalo dawladnimo…

Oraahbaa ahayd Diric Ma Mooga Doqonna Looma Sheego

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad

Email: Guurey@hotmail.com