Published On: 8 August 2012 2:28 am

Meedey Khaatumo Meedey, Ma Arkee Meeday Khaatumo Meeday? Mooyiye Meeday?

Durbaanadii la tumayey, guuto koowaadii weerka loo xidhay, waa wareey maamulaa hareeraha inaga xigee meesha ka kacaydii, Laascaanood baa la xoreynayaadii, berde hoos humbaaleyntii, habraha iyo qaxootiga toodiiba la liita gunti furashadoodii, san iska gelintii mashruucii la oran jiray Khaatumo, iyo dhaktar Caliyeyntii hadaan kooyaada ahayd ayaa dhamaantood dharaar cad waxay isugu soo biyo shubteen dhagar khiyaamo beeleed iyo mid qaranba oo dano gaar ah ay shakhsiyaad hore ugu caan baxay xatooyada xoolaha dadweynaha, si badheedh ahna hore ugu lunsaday hanti u dhaxaysay umadda Soomaaliyeed ay awrkooda ugu kacsanayeen iyagoo shiidaal ka dhiganayey dhiiga, dhididka iyo dheefta bulshada tabaalaysan ee SSC si ay uga helaan kuraas baarlamaan Muqdisho.

Haddaba waxaa maanta hubaal ah in danayste Cali Khaliif Galaydh iyo xulafadiisu ay barnaamij gaar ah wateen, boodh iyo siigana isku qarinayeen, dhaqaalahii maatada qaxootiga qurbaha ku ah ee axadaha iyo sabtiyada laga qalin shubateyn jireyna ujeedadiisu ahayd in jagooyin baarlamaan Xamar lagaga iibsado, oo aanay cidina xoreyn, mideyn iyo meel kale toona usocon.

Ninkii jiri jirey waxuu yidhi: “ Dhaaxaan Jalaadaye Dhegbaan Jalaq la ii Siine!” Wax badan bay Taleex Media bulsho weynta beesha SSC uga digtay hagardaamada iyo dibindaabyada Caliyeysan ee la Khaatumaysanayo. Maantana Taleex Media waxay idiin haysaa su’aalahan:

Meeday Laascaanood? Meeday xorayntii iyo midayntii? Meeye ciidamadii lacagta loo ururin jirey? Meeday lacagtii la ururiyey? Meeyey maamulkii Khaatumo seeg xageese jaan iyo cidhib dhigay? Soow shirarkii iyo goolaaftankii G6 ma cada inay ahaayeen beerlaxawsi bulshada SSC lagu baadhanayey si ay u fushadaan danahooda gaarka ah?

Editor: Taleex Media