Published On: 8 August 2012 6:15 pm

WAXAANU NAHAY “MURSALLO” (EXCEPTIONAL),NA MAQLA,HADDII KALE FISHA CIQAAB

Waan la soconaa manta arrimaha Dhulbahante meeshay marayaan dhammaanteen,xaaladuhu aad bay u cakiranyihhin,Xamarna waaba buuxdhaaftay,inkastoo la filayo inay waqti dhow kala miirmidoonto. Wararka shuuxa ah ee shaashadaha wararka qaarkood ku wareegala-caddaystaan iyagoo shar iyo khayr mid ay tahay eegin soo bandhiga waxba sheegimaayaan, nin walbana ha kuu shubo ama ha kuu sheekeeyee waa sharaf ka dhac si ula kac ah loogu samaynayo shacabweynaha dhulbahante,ee maanta u baahnaa rag garabkooda iyo golohoodaba taagan oo aan ku mashquulin shillin la gurto,iyo kuraasi si xun loo raadsado una dhigma sidii Ri’ seenyoon ama sheexo leh marka geeska la daro shaanshaan ka dhacda iyo meelo aan loo joogin. Maalin walba waayo aragnimo hor leh ayaa kuu korodha, nin walbana maalin baad barataa, raggii la oran jiray iyaga ugu Tun iyo caqli weyn ayaa u galay dad aan daniba ka dhexayn Karin Somalinimada mooyee,ceel iyo cawstoona wadaagin,anigu waxaan qabaa inay nimankaasi doonteen Malmal iyo Xabag-cadaadeed hadba kii ay soo helaan,waxaase la yaab noqondoonta marka qaarkood wax yar sacabka loo soo saaro meeshay kula soo noqon lahaayeen,waayo baahidii dhulkeena ka jirtay xataa hadday wax soo helaan way jiraysaa waayo kuma talo gelin inay wax ka qabtaan dhibaatada shacabweynaha ku habsatay,waxaase xaqiiq ah inaan laga aqbalidoonin cabasho kasta iyo cudurdaar kastay la imandoonan iyaga iyo Isimadaba,waa kuwaa durbaba bilaabay sida: Faroolaa faragelin nagu hay,shirka waan joogey haddana ma joogin,Adhaa Geel laayey,riyaan run moodayey,kiriiri baan dhaqanayney,Caana boodhan Bur u haystay,Hal baa Ciin daaqday,sidaas ma moodayn,iyo been abuurasho kasta oo jilicsan iwm. Dhulbahantow waxba yaanan ku dheeraan hadalka niman mar lix(6) isku sheega marna toban(10) isku sheega ayaa meel xun ku tuuraya mustaqbalkii iyo aayihii shacabka Dhulbahante iyagoo isa siinaya wax kastoo talo ah,dhaqaale ah,darajo ah,xildhibanada dawladda Federaalka,jagooyinka ka soo bixidoona dawladda Federalka,wasiir ha ahaato iyagoo cidkastoo kale geeska ku feedhaya,waana wax laga xumaado. Nimanka G10 waxay isu haystaan inay cidwalba ka mudanyihiin,ayna yihiin dad Illaahay doortay(the chosen 10 of God) iyo isimo qaba in Illaahay si gaara u jecelyahay G10,oo ay barakaysanyihiin ama yihiin Mursallo dadka loo soo diray. Haddaba maxay G10 rumaysanyihiin” ha naloo dhega nuglaado,shacabkow la collooba reeraha Bariga inaga xiga,kuwa Galbeedkana waa intaa oo danta G10 gashaaye nabad iyo colaadtoona ha tusina, jeclaada gobollada dhexe ilaa inta Xamar loo gaadho, Lascanod haka hadlina, illooba danta guud,tageera danaha gaarka ah ee G10, haddii kale Illaah baa idin ciqaabaya”. Isku soo duuduub waxyaabaha aan ka baranay Khatumo iyo shaqaalaheeda waxaa ka mid ah: khaladku wax xun ma aha,ceebi waxba kuma yeesho,jaahwareerinta dadka waa wax loo baahanyahy,beentu waa xalaal markaad dano gaara leedahay,sharci iyo kala dambayn looma baahna,la jiifiyaaba bannaan,diinta afka ka sheego laakiin haku dhaqmin,dembi haddaad gasho lacag u hel,cidlaan idin dhigaynaaye nagu caawiya,caano iyo biyatoona ha cabbina,aflagaado badan geysta,runtu waa sun iyo boog. Wararkii ugu dambeeyey waxaa in wax loo sheego mudan ninka ka tirsan Mursallada Illaahay doortay kuwa isu qaba ee qaylodhaanta u diraya shacabka Dhulbahante ee aflagaadada iyo gefka geesinimo iyo xarago moodaya ee yidhi*Nin hore isim u ahaan jiray iyo nimaan weligii isim noqon ayaa Faroole bililiqo u siiyey kuraasidii Dhulbahante* Waa su’aale kuraasida Dhulbahante haddad adigu weydo oo Dhulbahante kale oo xaq u leh qaato,ma waxaad leedahay waa bililiqo? Isimnimada ma adigaa bixiya,lana noqda(shame on you boy). Ninkaas isaga ahi maba garan kelmada bililiqo, haddaba waa maxay bililiqo? Bililiqo waa marka dad wax aanay xaq u lahayn boob ku caseeyaan iyagoo isticmaalaya xoog,muruq,iyo xabbad iwm. Waxaan ku leeyahay isimada Dhulbahante ee sharaftoodii,isimnimadoodii iyo shaqsiyadoodaba meel lagaga dhacay ee laga doorbiday qaniinyo iyo qanjuruufooyin aad u jaban waxaan ku leeyahay waa Boqor Abdillahi Ahmed Ali iyo Caaqil Haji mohamud haji Omer Camey*Adeerayaal kun jeer raali ahaada waa adduun hal dhinac ka raran* afxumana waxba ma soo kordhiso waa Hasha geela cuntee cabaada,waxaa muuqata in weli la sii wado xasaradihii aan xuduuda lahayn ee aan hore uga dignay. Waxaan ku soo gebegebaynayaa cidina uma baahna been iyo huuhaa,G10 is qabta inta aan la idin qaban,xisaabtama inta aan la idinla xisaabtamin,sharafta shacabkuna waa mid dhowrsanaan doonta,si kastood ugu xad gudubtaan dantooduna waa meel,Dhulbahantana wiil iyo walaalaba waa leeyahy, horaa loo yidhi: aayadii ka guure,hooyadii uma nagaado.
Cabdi dalmar Cilmi