Abaanduule Maxamed Yaasiin Calishire (Shariif) {Samakaab Cali}: “ Inta gacan ku dhiiglayaasha raarta lagu huursanayo ninowna nabad ha u fadhiyin! (Dhagayso.)”
Dhowaan ayay ahayd ka dib markii marxuun Cabdullahi Cabdiraxmaan Maxamed Xaashi (Bahararsame/Reer Samatar) ay gacan ka xaq darani, Shaafici Cabdiraxmaan Maxamed Xasan (Nuur Axmed/ Reer Samakaab Cali), ku diley degmada Taleex.
Talaabadii u horeysay ee reer Samakaab Cali qaadeen kadib markii dilku dhacay waxay ahayd iyagoo Go’aan deg-deg ah ku gaadhey inay gacanta ku dhigaan wiilkii sababta dhimashada lahaa, intaa waxaa xigtay isla maalintiiba waxa caaqilka reer Samakaab Cali, Cabdirashiid Cali Shire iyo nin garboodkii beesha iyo aabbihii wiilka shilka geystay, Cabdiraxmaan Maxamed Xasan, oo markaasi nasiib wanaag ku marayey taraansit goroonka diyaaradaha ee Berbera isagoo dib ugu laabanayey fasax uu carabaha uga yimi, ay la wada xidhiidheen raaskii wiilku ka dhintay, iyagoo si toos ah ula hadlay aabbihii marxuumka, Caaqil Cabdiraxmaan Maxamed Xaashi (Dhegahorey), iyo hooyadii, Aamina Daahir Afqarshe, waxayna tacsi dabadeed ku wargeliyeen in sida shreecada islaamku qabto ay gacanta usoo gelindoonaan wiilkii sababta lahaa. Waxaa xusid mudan in Aabbaha wiilka shilka geystay dhalay uu diyaaraddii hore uraacay Asbuuc ka bacdina uu dib Soomaaliya ugu soo noqday si uu arrinkaa usoo afjaro,iasgoo shaqadiisii iyo danihiisii kaleba uga soo dhaqqaqey.
Haddaba shalay oo taariikhdu ahayd 07/08/12 ayaa labadii raas ku kulmeen degmada Taleex sidaasna ay reer Samakaab Cali ugusoo gacangeliyeen Bahararsame ninkii shilka geystay. Hadaba ummadda Islmaamka waxa ilaahay ujideeyey saddex arrimood inay midkood yeelaan qoyska dhibku gaadhay taasoo ah:- Inay qisaastaan, inay diyo ka qaataan iyo inay samraan.
Caaqil Cabdiraxman Maxamed Xaashi (Dhegahorey) iyo beeshiisa reer Samatar kadib markay arkeen qiimeeyeena sida tolnimada, xilkasnimada iyo Islaamnimada ah ee ay reer Samakaab Cali (Nuur Axmed) yeeleen uguna soo gacan geliyeen gacan ku dhiiglihii, ayay go’aan tolnimo waxay ku gaadheen inay qisaasta ka cafiyaan gacan ku dhiiglaha, bedelkeedana u qaataan diyo(mag), sidaas ayaana labadii reer ee tolka ahaa iyagoo iskaga raalliya gacmaha isu qabsadeen, Alle bari, duco, cafis, samarsiis iyo isa saamaxna ugu wada faataxaysteen.
Haddaba shabakada Allboocame oo khadka taleefanka ku wareysatey gudidii go’gosha dhiiga fadhiday oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Cabdiraxmaan Dhegahorey (aabaha marxuunka) iyo Abaanduule Maxamed Yaasiin Calishire (reerka dhibka geystay) oo ku magacdheer Shariif kana xaqiijisay sida hufan ee tolnimada leh ee arinta looga wad xaajooday laysuguna af gartey si uur xaadhan, ayaa waxay sidoo kale wax ka weydiisay Abaanduulaha halka uu marayo xaalka dilkii dabayaaqadii sanadkii hore isna magaaladaasi Taleex ka dhacey ee isla beeshaasi Nuur Axmed iskaga dishey Ganacsade Jaamac Cali Shire iyo Haneqaad Mubaarak Saalax Cali Shire. Abaanduluhu waxuu sheegay isagoo walaac weyn ka muujinaya cawaaqib xumida laga dhaxli karo in aan arintaas weli wax xal ah laga gaadhin habayaraatee ayna tahay wax aad looga murogoodo cidhib xumida ay keeni karto, maxaa wacay ardaagii xalka iyo qoor soo dhiibashada looga fadhiyey ayaa gacan ku dhiiglayaashii dabada marsadey iyagoo xaqa iska indho saabaya, shareecadii Islaamkana iyo tii wada dhalashada iyo tolnimadana baal maraya una dhaanteeyey inay durbaaano iyo walasaqo aan loo fadhiyin hadba meel ka botoriyaan iyagoo jagooyin dhalanteed ah iyo madaxweynaan meel helba ka noqonaynaa ugu maan gadan reero qalaad oon naf u heyn balse awrkooda ku kacsanaya halka ay u ekayd inay caqliga si saliim ah uga shaqeysiiyaan, abbaaraana inay walaalahood ka garbaxaan iyagoo u nasteexaynaya badbaadada lafahooda iyo wada noolaashaha guud tolka, taas oo macnaheedu yahay inay soo dhiibaan dambiilayaasha gacan ku dhiiglaha ah ee ay raarta ku huursanayaan, maxaa wacay wax kaloo maanta qancinaya beesha walaalahood ee reer Samakaab Cali ma jirto.
Halkan ka Dhageyso Wareysigii Caaqil Dhegahorey iyo Abaanduule Shariif
Editor: Taleex Media













