Published On: 11 August 2012 4:39 pm

Duq Xatooyo xoolo dadweyne loo haystaa xildhibaan ma geyaa!

Nina kama dahsoona dhaca iyo boobka uu odeyga hadda da’dii hawlgabka madaxa kor ula dhaafey ee lagu magacaabo ina Khaliif Galaydh  ulo booc ah kula daba tukubayey umadda Sommaaliyeed habeen iyo dharaarba oo kolba qaar meel ku furanayey isagoo ukala hormarinaya hadba siday u kala daganyihiin, hadday noqoto min heer qaran ilaa iyo heer tuuloba, oo ay ugu horeysay (inta la ogyahay)dhacii qaran ee uu malaayiinta doolar ka dhacay mashruucii sonkorta ee Mareeray, uguna danbeysay kii heerka tuulo ahaa ee shilmaadka caydh ahaanta loo siiyo uu kaga furtay habraha iyo maatada qurbaha qaxootiga ku ah isagoo ku beerlaxawsanaya mashruuciisii Khaatumo seeg ee uu lahaa midayn iyo xoreyn baan idiin sidnaa oo Laascaanood iyo Buuhoodlena ayaan ku wajahanahay, hase ahaatee sidii awelba Taleex Media idiinka digtay biyo dhaciisu noqday “Xamar baan joogaa oo kursi aan danahayga gaarka ah ee dhaca iyo boobka aanan marnaba ka dhergin ah aan ku fushado baan u feydnahay helistiisa ee tolow ha la i taageero ilayn professor baan ahaye.”

Haddaba Taleex Media waxay uga digaysaa dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo cidii kale ee ay khusaysoba in laga feejignaado layskana fogeeyo tuugaa Galaydh ee milicsiga bartay, maxaa wacay waxaa la yidhi “Dhurwaa la tegis u bartay, ka ridistu waa ku ceeb.” Waana tii hore loo yiri: “Inkastuu DurDur Iyo Dabaal Galo Dofaar Abidkii Ma Daahiro.” Qolyaha xulista barlamaankana waxaan leenahay “Yur! yur! yuu cunin waraabahu, ka ilaasha weeraha.”

HALKAN KA DAAWO MARWO SAADO CALI WAXAY KA TIRI TUUGA.

Editor: Taleex Media, Xayaat Jama.