Kala Qaybsanaanta Dhulbahante maxay salka ku haysaa? “Xukun jacaylka Xerta”
Ma rabo inaan dib ugu noqdo taariikhda durugsan ee ka soo bilaabanta caleemo saarkii garaadkii u horeeyey ee Maxamuud Garaad, Cali Xarraan iyo xinkii ka dhashay. Waxaan ka bilaabayaa taariikhda dhow ee laga soo bilaabo xilligii umadda Soomaaliyeed bilowday inay hab dawladnimo uga guurto habkii qabaa’ilka iyo raacatada keliya ku ekaa.
Loolanka cusub ee Dhulbahante wuxuu bilaabmay aasaaskii Daraawiishta, xilligan waxa ka tisqaaday waqooyiga Soomaaliya kacdoonkii waddaniyadda ee Daraawiisheed, kacdoonkan xudduntiisi waxay ahayd carro Dhulbahante. Xilligan Dhulbahante wuxuu lahaa labo Garaad. Sida taariikhda kucad labadii Garaad mid ka mid ahi wuuka horyimid halgangii iyo dawladdii cusbayd, haddaba maxaa sababay inuu Garaadkaasi ka horyimaaddo dawladnimada carro Dhulbahante ka dhalatay? Jawaabta waxa lagu sababeeyaa in Garaadkaasi uu istusay in awooddiisu wiiqmayso sidaa daraaddeed Garaadkaasi kacdoonkii dawladnimada ee Jihaadka kula jirey gaalo iyo cawaankeeda wuu ka horyimid isagoo is yidhi dan gaaraad ku waayeysaa, ugu danbayntiina naftiisii ayuu ku waayey mucaaradnimadaas. Geeridaa dabadeed Dhulbahante muddo waa degganaa Dariiqadii ayaana badi la’iimaansaday.
Taariikhdaas waxaa xigtey taariikhdii dawladnimada Soomaaliyeed ee xorriyadda. Muddo yar xornimada waxa kursi ka bannaanaaday aqalkii odayada (House of Assembly) ee Hargeysa waxa Dhulbahantihii waagaa magaalo joogey is tuseen in kursigaa la siiyo Cali Garaad oo waqtigaa London waxbarasho ujoogey, waxa loo soo diray nin oday ah oo la odhan jirey Xaaji Maxammed Samatar (Wejixaad) sidaasaa Cali Garaad Hargeysa ku yimid kursigii Assembly-gana ku fadhiistay. Wasiirnimaa uxigtey. Muddadaana Dhulbahante waa degganaa waayo cidina darajadaa Cali Garaad dacwad ma daba wadin kamana xumayn waxaana loo arkayey jago Dhulbahante. Waxaa xusid mudan doorashadii la baxday “Food Khasaare” (1968) in iyana loo sababaynayey inay lug ku lahayd kusiga Cali Garaad iyo kuwo uu gacan saar la lahaa oo uu xulufo ahaan urabey inay iyagu soo baxaan , kuwo kalena ka ilaaliyo inay ka guulaystaan. Tanina ay sababtay dhimasho iyo xaaladdo faraha ka baxday oo Dhulbahante ku qaybsamay, waloow xal laga gaadhey dawladdiina soo fara gelisay deminta collaaddaas.
Dhacdadaas waxa xigtey curashadii “Kacaankii barakaysnaa” ee ciidamada qalabka sitaa waddankii inqilaab kula wareegeen taladii dalka. Ciidammadaa waddanka qabsaday waxa Dhulbahante kaga jirey laba sargaal oo kala ahaa Maxammed Cali Shire iyo Axmed Saleebaan Cabdalle. Muddo yar ka bacdi Garaad Cali wuxuu ku biiray dadkii mucaaradada kala horyimid hoggaankan cusub ee dhulbahante darka dawladda uga qayb galay! Waa maxay sababtu? Waxaan filayaa inaan jawaabtu ka fogeyn tii hore “cadyohow ku cunay ama ku ciideeyey”. Alle naxariistii haka waraabiyee Garaad Cali mucaaraddadii iyo ciilqabkii ayuu ku geeryooday.
Cahdigii xigey wuxuu ahaa Cahdigii Garaad Cabdiqani oo isna mucaaradaddaa ka bilaabay halkii walaalkii kaga geeryooday. Garaadku wuxuu xulufo la galay Jabhaddii SNM-ta ee ku foogganayd burburka dawladdii Soomaaliyeed. Haddaba markii dawladdii dhexe burburtay SNM-tiina soo gashay gudaha waxa waqooyiga Soomaaliya ka unkamay shirar SNM abaabushay oo kii Burco ugu weynaa halkaasoo SNM isu dhalan rogtey Somaliland. Muddo ka bacdi Somaliland waxay dhisatay gole maamul, golahaas waxa jagooyin looga magacaabay rag Dhulbahante kasoo jeeda, waxa dhibi dhacday markii Garaad Cabdiqani yidhi “aniga hala iidaayo cidda Dhulbahante Somaliland uga qayb geleysa golayaasha maamulka” halkaasoo laysku khilaafay hoggaamiyeyaashii SNM-ta. Arrinkani wuxuu dhaliyey ismandhaaf labad dhinacba. Ha moogaannin arrinka khilaafka salkiisu yahay maaha qaddiyad iyo mawqif ee waa xukun.
Waxaysoo jiitantaba waxa xigtey dabayshii Puntland ee 1998. Garaad Cabdiqani wuxuu qayb weyn ka ahaa aasaaskii Puntland, muddo kabacdise markuu ka arki waayey awoodduu rabey inuu ku yeesho iyana wuxuu kala horyimid mucaaradad xooggan. Aakhirkiina Ilaahay Naxariistii janno ha geeyee Garaadku wuxuu xijaabtay isagoo mucaarad ah.
Waxa halgankii xukun jacaylka halkiisii ka sii waday Garaadka da’da yar ee Garaad Jaamac isagoo isagu laba baxay darajo cusub oo la yidhaado “GUUD” welibana isku ladhay nin oday ah oo aqoonyahan ah oo iino badan leh oo isna imminka la baxay “Siyaasiga Guud iyo Aqoonyahanka Guud”. Dhibaatada siyaasiga iyo Garaadka isku lammaani waxay kusoo kordhisay in ay dhimato tolnimadii iyo isu damqashadii ehelka ka dhexeyn jirtey.
Waxyaalaha aad la yaabka ulihi ee imminka cusubi waxa weeye, degaanka Buuhoodle oo ahaa meesha keliya ee midnimo buuxdaa ka jirtey 19kii sano ee burburka ugu horreysey, in faragelin agu sameeyey sidii loo burburinlahaa midnimadaa saddexdii sano ee ugu danbeysey, taladiina farahooda laga saarey odayadii midnimadaa abuuray halkaana wax soo gaadhsiiyey. Sababta taa loo yeelayona loo aanayn karo in loo arkay dad tashaday oo xaqooda umadaxbannaan. Madaxbanaanidaas iyo taladaas Buuhoodle dadbaa u arkay inay ka hor imaanayso halgankoodii xukun raadiska ahaa! Waxa reer Buuhoodle la gaadhsiiyey in la yidhaahdo xitaa “Nabaddiina annagoon idin ogayn cidna kalama hadli kartaan” Qolada sidan ku lihina waa qolada iyagu hadh iyo habeen Siilaanyo ku leh nabad baannu doonaynaa ee annaga nala hadla! Waa qoladii aynu ka maqlayney “Kabahaannu Afka kuqaadayaa”!
Waxaan kusoo afmeeraynaa qormadan:
- Alle ha’unaxariistee Aardheel wuxuu naftiisa ku waayey isagoo darajo doon ah
- Food khasaare waxaa dad Dhulbahante ahi ugu dhinteen xukun jacaylka “Xerta”
- Alle ha,unaxariistee Garaad Cali wuxuu geeryooday isagoo mucaarad ah
- Alle ha unaxariistee Garaad Cabdiqani wuxuu xijaabtay isagoo mucaarad ah
- Alle ha hanuuniyee Garaad Jaamac wuxuu uxusul duubanyahay “aniga tayda”!
- Laascaanood waxaa loo qabsaday ismaandhaafkaa xukun jacaylku keenay
- Buuhoodle midnimadeedii waxaa wiiqay xukun jacaylka “Xerta”
- Nabadda waxa reer Buuhoodle loogu diidanyahay waa Xukunjacaylka “Xerta”
- Xamar waxa loogu xoogsanayey waa xukun jacaylka “Xerta”
- Waxa Cali xildhibaan ku xambaarayaa waa Xukun jacaylka “Xerta”
- Waxa Cabdikariim loo xulanayaa waa cukunjacaylka “Xerta”
- Waxa xildhibaanka Hagar loo xannibayaa waa xukun jacaylka “Xerta”
- Waxa nabadda Xaglo keenay loo xajiimaynayaa waa xukun jacaylka “Xerta”
- Xisaabta (lacagta) qurba joogta waxa loo xarafsanayey waa xukun jacaylka “Xerta”
- Xorayntii iyo midnimadii waxa loo xeerin waayey waa xukun jacaylka “Xerta”
- Waxa xabashi loo ammaanayey waa xukun jacaylka “Xerta”
- Waxa SSC loo xididdo siibay waa xukun jacaylka “Xerta”
- Waxa NSUM loo xannibay waa xukun jacaylka “Xerta”
- Waxa Puntland loo xambaareeyey waa xukun jacaylka “Xerta”
- Waxa Soomaaliland loogu xilanyaa waa xukun jacaylka “Xerta”
- Waxa sheikh Shariif loo xodxodanayaa waa xukun jacaylka “Xerta”
- Waxa xal dhulbahante loo gaadhi la’yahay waa xukun jacaylka “Xerta”
Gunaanad: Waxaad maqlaysaa markaad weydiiso dadka Dhulbahante su’aasha ah; Maxaa tafaraaruqa idinku riday? Inay ku jawaabayaan “labada maamul ee hareeraha naga xiga ayaa nakala qaybiyey! Jawaabtaasi waa jawaab iyadoo gingiman “Xertu dadka afka ugu tirtay” iyagoo boodhka isku qarinaya, masaakiintana utusaya inay iyagu [waa xertee] ka xoraynayaan “labada maamul”
Gebagebadii Taleex Media waxay dhibka Dhulbahante kusoo gunaanadaysaa waa xusulduubka ay xertu ugu jirto inay xadhiga (hoggaanka) reerka qabtaan hadday waayaanna waxay ku ballameen inaan nin kale xoorka ka malabsan ee sidii xoonka laysaga daba wareego “Cadyohow ama kucunay ama ku ciideeyey”
Su’aasha jawaabta ubaahanise waxa weeye sidee xal looge heli karaa dhibaatada xerta?
Editor: Taleex Media











