Published On: 13 August 2012 1:15 pm

Dr xaglotoosiye oo u gebi ahaanba la wareegay howlahii loo igmadey isimada Dhulbahante, maadaama uu Cali ku xeraystay Xamar si uu xildhibaannimo ugu helo, durbana guulo wax ku ool ah usoo hooyey shacab weynaha SSC.(Video)

Hogaamiyaha SSC Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) ayaa kadib markii uu u adkeysan kari waayey khiyaamooyinka iyo tacadiga uu mashruuca Khaatumo Seeg ku hayo bulshoweynta SSC, oo ay kamidyihiin iyadoo mashruucaasi colaad hor leh huriyey inuu misana tiroba intii badneyd ee  isimadii beesha Xamar lagu xareeystay si Cali xildhibaanimo ugu raadsado halka ay ka aheyd inay howlahii dhabta ahaa ee loo igmadey ka dhiraandhiriyaan deegaamadooda nabada u oomanaa, ayaa si geesinimo leh ula xaaley maamulka Soomaalidiidka kuna guuleystey inay ciidamadoodii dib ugala baxaan dhamaanba goobahii aaga Buuhoodle kuna noqdaan goobahoodii hore, halkaasoo nabadna lagu kala saxeexday. Waxaa iyana dhamaanba shacabka SSC rayrayn iyo farxadba u noqotay inuu sidoo kale ku guulaysto in tiro maxaabiis reer SSC ah oo kor u dhaafaysa 60 ruux uu xoriyadoodii dib ugu soo celiyo.

Dr. Xaglotoosiye oo dhowaana soo marey magaalo madaxda dowlada Puntland, masuuliyiinteeda sarena ay kulamo gaar ah la yeeshay ayaa indheergaradka siyaasadaha odorosaa waxay ku wadaan in dhamaanba waxyaalihii Khaatumo seeg khaladay uu hogaamiyuhu dib u saxi doono, bulsho weynta SSC-na nabad iyo is afgarad kusoo dabaali doono.

 

HALKAN KA DAAWO DR. XAGLOTOOSIYE OO NABAD SOO HOOYEY

Editor: Taleex Media