Macno ma leh in Illaahey laga yaabo iyo salaamu caleykum, ee waxaa macno leh in xildhibaan la ii doorto! Subxaanallaah! (Dhegayso)
Iyadoo lagu jiro 10kii casho ee u danbeeyay bishan barakeysan ee Ramadaan oo ducooyinka iyo Alle ka cabsigana lasii kordhiyo si ajar dheeraad ah iyo laylatul khadarkaba loo helo, ayaa waxaa mujtamaca Soomaaliyeed ka anfariirisay hadal lid ku ah islaamnimada oo kasoo yeedhay ninka lagu magacaabo ina Khaliif Galaydh ee baarlamaanka u sharaxan mar uu telekonferans kula jiray qaar ka mid ah kuwa u oleleeya mashruuciisa khaatumo seeg ee uu u macmacdey inuu jagadaas ku fariisiyo.
Iyagoo uga digaya in uu dhamaadey xilligii ay sida dhuumaalaysiga ah shirqoolada ugu maleegi jireen telkonferensyada oo ay hadda khadkastoo ay galaan raggii ragga ahaa kula jiraan,sidaa awgeedna ay haboontahay inuu ka dhowrsado sheegista khiyaamooyinka ay damacsanyihiin si aan mujtamaca loogu soo ban dhigin ayaa ina Khaliif galaydh isagoo arintaas aad uga cadhoodey waxuu si diinta ka baxsan u yiri:
“La idiinma warami karo, taleefan cid walba dhegaysanaysona waxaan isu sheegaynoo macno leh ma jiro Illaahey halaga yaabo iyo salaamu calaykum uun buu warku ku dhamaanayaa, haddaad intaas rabtaan dee dhageysta waa tahee!”
HALKAN KA DHAGEYSO IYADOO COD AH
Haddaba su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay: ninkaa bishan barakaysan ee Ramadaan sidaa badheedhka ah ugu wacdinaya in ay tahay macno daro in Illaahey laga yaabo iyo in salaamu calaykum la is yiraahdo, ma u noqon karaa xildhibaan umadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah?
Editor: Taleex Media.














