War duqaaneyto maa dadka laga qabto. Xertu Odayo looga dacwoodo malaha miyaa?
Waxaa indhowaalehanba mujtamaca Soomaaliyeed gebi ahaanba dhexdiisa si xawli ah isu soo tareysay hadal heynta lagu abla-ableynayo aflagaadooyinka iyo adyadda joogtada ah ee duqa hawl gabka ah ee xukunku iyo xinku maadax marey, ina Khaliif Galaydh, uu kula dhex wareegayo guud ahaanba bulshoweynta Soomaaliyeed, khaasatana madaxdhaqmeedka iyo waxgaradka beelaha SSC.
Haddaba Taleex Media ayaa goos-goos codad ah oo uu goobo kala gedisan aflagaadooyinkaasi si badheedh ah faraqa ugu guntay madaxdhaqameedka iyo ningarboodka beelaha SSC halkan idiinku soo bandhigaysa iyagoo ah maqal codkiisa ah.
Qormada tan xigtana waxaan kusoo bandhigi doonaa aflagaaddooyin kuwaas u dhigma oo uu sidoo kale ugu geystey mas’uuliyiinta sar sare ee Soomaaliya sida ra’isalwasaare Cabdiweli Gaas, ALHN halyeey Cabdullaahi Yuusuf, Dr. Saleebaan Xaglotoosiye, Dr. Cabdiraxmaan Faroole, Dr. Cadiqaasim,Sheekh Shariif iyo beelaha Hawiye guud ahaanba isagoo si ulakac ah oo dhaqanka iyo anshaxa Soomaaliyeedna ka baxsan dameero ugu maahmaahaya. Waxaan kaloo haddii Eebe idmo Taleex Media idiin soo bandhigi doontaa isagoo laacdankaas bini’aadamka oo keliya ku ekaane balse usii xuub siibtay inuu Ilaahay iyo diintana ku gefo.
Haddaba waa tii hore loo yiri “hadal run baa lagu cadeeyaa, ilkona rumaye,” bal halkan hoose ka dheegta codkiisii oo aan biyo la marin si aad dhegihiina ugu maqashaan bal waxa duqaa afkiisa kasoo burqanaya, oo aad dabadeedna go’aan uga gaadhaan talaabada idiinkala gudboon:
1) Sideeebuu u Aflagaadeeyay Madax Dhaqameedka Buuhoodle?
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
2) Sideebuu u Aflagaadeeyay Madax Dhaqameedka Boocame?
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
3) Sideebuu u Aflagaadeeyay Madax Dhaqameedka Taleex?
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
4) Sideebuu u Aflagaadeeyay Madax Dhaqameedka Ceegaag, Boqor Cabdullahi Dabagooye?
HALKAN KA ROGO ISAGOO TAAGEERAYAASHIISA MASHRUUCIISA KHAATUMO KU LEH “INA DABAGOOYE ISIMBA MA AHA, ARINTAASNA YOUTUBE-KA AYAAN SOO GELIYEY OO CADEYNAYSA EE HA MOOGAANINA!”
5) Sideebuu u Aflagaadeeyay Madax Dhaqameedka Saxdheer?
WAA SU’AAL DA’ WEYNOO MADAXA DAALINEYSEE, DADWEYNAHAA LA WEYDIIN!
Editor: Taleex Media.













