Qaybsiga Gobolada Iyo Qaylada “Qabalayga” Saaxdheer
Sidaynu lasocono, waxaa dhowaan ka bilawday Magaalada Muqdisho shirkii ansixinta Dastuurka iyo xulista xildhibaanada Beelaha Soomaaliyeed. Taasoo meesha ka saaraysa xilliga kumeel gaadhka (Transitional Period), iyadoo loo guurayo “Jamhuuriyada Federaaliga Soomaaliyeed”. Hadaba waxay taasi welwel weyn ku beertay qaar kamida xubnihii hogaanka dhaqanka” khaatumo” iyo Hogaanka Fulinta (Fidnada G6). Sida dad badani maqleen ama idaacadahaba ka dhegeysteen wuxuu Garaadka Beesha Saaxdheer, Garaad jaamac, diidmo aan hore loomaqal kala horyimi in Ummada Soomaaliyeed wax ku qaybsato heshiisyadii khariidada nabada (“Road Map”.) ku dhignaa. Kuwaasoo dhamaaantood ay ku caddahay in wax lagu qaybsado Gobolo iyo Dawlad Goboleedyo, cidkastaana ay iyadu xor utahay dhankay raacayso khasab iyo maroorsina dhamaaday.
Hadaba markii maaweeladii Magalooti Maamuleedka Khaatumo-Seeg maangaabka iyo maatada ku baadhanaysey soo gudhay, runtuna noqotay in Ummada Soomaaliyeed iyo beesha Caalamkuba isla garteen fulinta heshiisyadii garoowe (1) iyo Garoowe (2), lagu saxeexay, ayaa waxaa fulinta heshiisyadaas sida fiinta uga dhawaaqay wadnahana farta kaga hayey Shakhsiyaad istusay in geedi guurku yahay “Dabar” Beelahooda iyo maslaxadooda shakhsiyadeedba xidhaya. Balse taasi waxay ahayd wax laga qariyo taageerayaasha iyo dhammaan bulshada siyaasada Beesha wax kala socota. Waxayse Soomaalidu ku maahmaahdaa danbaa reer guuraaye waxaa is hayn waayey Garaadka Beesha Saaxdheer, oo mudaba ilowsanaa in heshiisyadii Taleex lagu gaadhey ay ku jirtey iney (ISIMADU) Siyaasada kabaxaan. Walow taasi aaney u muuqan mid fushay ama run looga jeeday markii horeba, balse lagu indha sarcaadinayey taageerayaasha Maamul Magalootiga, mansabdoonka ah ee magaca isku qarinayey.
Maxaa Ka Dalqamiyey Garaadka:
Waxay ilatahay war laqabaa xiiso maleh; Magalooti taageerka Khaatumo waxaa lagu soo xero geliyey in (3) Gobol Beeshu degto ( SS&C). Waxaa kaloo loosheegay in ( 3)daa Gobol xaqoodii ay kala qaybsadeen Maamulada hareeraha ka xigaa– Waa (Puntlad/ Soomaliland). Walow, taageerayaashu iyagoon is ogeyn qaarkood warbaahinta wax looga sheego halka kuwo kalena shirar xaga Telefoonka habeenkii loogu waramo. Kuwaasoo loosheego in Maamulka Puntland iyo taageerayaashiisu yihiin kuwa raba in heshiisyada khariiradda nabadu hagaagaan ama hirgalaan. Sidaa daraadeed ay yihiin cadawgeena koowaad haddaynu nahay inteena tubta nabadu saameynayso, hadday dhaqangalaana aan il iyo baaldambe layna saareyn. Halka kuwa kalena loo sheego iney halganka sii wadaan inta ruux ka noolyahay hawshana aysan ka caajisin cidkalena wax ka maqal ilaa aqoonyahanka iyo Garaadka Guud mooyaane.
Haddaba waxa isweydiin leh waxa ku dhacay( 3) dii Gobol ee dhawaan ku dhawaaqay Magalooti Maamuleedka Khaatumo, maxayse ku diideen in Soomaali wax loogu qaybiyo (18)kii Gobol ee Dawladii dhexe kaga dhacdey wadanka? iyadoo Magalooti Maamuleedku ku andacoonayey iney haystaan (3) Gobol. Waa jawaabe waxay Cali Khaliif iyo Garaadkiisuba ka dagaalamayeen inaan Sool, Sanaag iyo Cayn, marna loo aqooonsan Gobolo iyo Degmooyin. Hadday arrintu sidaas tahay waxay ila tahay waxay fikirkaas lawadaagaan Faysal Cali waraabe, Maxamed Xassan Xaad, Muuse Suudi, Cusmaan Caato, Qanyare iyo qaar kaloo badan.
Waxaa xusid mudan in- (ISIMADA)–ka soo jeeda Gobolka Sool aysan arrintaa weli kahadlin. iyana waa ugub iyo arrin lama filaan. Arkey/Maqley– Beelo iyo Shakhsiyaad kudoodaya Gobolo iyo Degmooyin hanala siiyo, balse maan Arag/Maqal kuwo leh hanalaga qaado, iyadoo la ogyahay in Cali Khaliif iyo Garaadkiisuba Degmooyin iyo Goboloba waydiisteen Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Cabdi Maxamed Cumar.
Xigmada meesha kujirtaa waxa weeye waxa Sool/ Sanaag iyo Cayna loo diidanyahay iney Soomaali Gobolo iyo Degmooyin wax kula qaybsadaan Saaxdheerna u rabto iney “Qabaley” wax kula qaybsato” Ismaamulka Soomaalida Itoopiya”.
By: Dr. A. K.
Taleex Media













