Published On: 19 August 2012 12:06 pm

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka oo maanta la siin doono Kaararka aqoonsiga berina shirkoodii koowaad yeelanaya.

Waxaa maanta la rajaynayaa Saalada ciida kadib in XIldhibaanada cusub ee baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliyeed loo qaybiyo kaararkooda aqoonsiga xildhibaanimo (MP ID) iyagoo la rajaynayo in kaarar qaybintu ay isla maanta soo gabagabowdo taasoo qayb ka ah howlaha dardargalinta howlaha doorashooyinka qaranka Soomaaliyeed oo waqtigoodii ay soo dhawaadeen lana rajaynayo inay wax un xoogaa kadib dhacaan maalintii loo calaamadiyey (20 Augst).

Qaybinta kaararka Baarlamaanka ayaa la filayaa inay maanta soo gabagowdo iyadoo ay taasi baaqatay maalinimadii shalay ahayd oo la rajaynayey in xildhibaanadu ay kaararka qaataan balse Cid dhanka Farsamada ah darteed ay shalaysuurtoobi waysay in xildhibaanada cusub ay helaan kaararkood loona balamay maanta salaada ciida kadib in la siiyo.

Maanta waxaa la rajaynayaa in kaararka Aqoonsiga la siiyo 202 Xildhibaan oo kamid ah 275 Xildhibaan ee Baarlamaanka cusub iyadoona aanan weli lasoo dhamaystirin xubnaha Baarlamaanka, qaybinta kadib Waxaa la rajaynayaa in Isniinta beri ah ay yeeshaan kulankoodii ugu horeeyey ayna gudoomiye cusub doortaan isla todobaadkanna ay u fariistaan doorashooyinka gudoomiyaha, kuxigeenadiisa ilaa tan madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota ayadoona howsha diyaargaraynta shirka baarlamaanku ay meel wanaagsan marayso.

Xigasho: Puntlandi.com

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. FARDAALE says:

    LAMA BIXINYO KAADHAADHKA MAANTA WAA BEENTAA WAAYO XILDHIBNADA KHAATUMO LA SUGYAA ILAA LA SOO GUDBIYO WAX KAL SOCANYAA MA JIRTO SAS ULA SOCO
    VIV KHAATUMO STATE OF SOMALIA