Published On: 20 August 2012 5:35 pm

Saddexdii xubnood ee uu magacaabey Boqorka dhulbahante oo kamid ah kuwa ugu awooda badan isimada beesha oo dhamaantoodba la ansixiyey, iyo weji gabaxa Khaatumo-seeg la hulaaftey.

Waxaa si guul leh loo xulay dhamaanba xubnihii Barlamaanka Soomaaliya u metali lahaa beelaha SSC.

Xubnahaas oo kala ah:

  1. Marwo Saado Cali Warsame.
  2. Cabdullaahi Xasan Dhooble.
  3. Cabdirizaaq Maxamed Yuusuf.
  4. Cabdi Maxamed Cali(Xaaji Cabdi Yare) .
  5. Cabdi Cabdullaahi Maxamed .
  6. Cabdiwaaxid Cabdullaahi Jaamac .
  7. Ziyaad Maxamuud Shire .

———————————————————————————-

  1. Ina Khaliif Galaydh.

Haddaba waxaan liiskan aan ka dhex muuqan dhamaanba magacyadii uu mashruuca Khaatumo-seeg u ololeynayey ee ay u fadhiyeen Xamar bilihii lasoo dhaafey si ay u meel marsadaan magacaabistooda, marka laga reebo mulkiilaha mashruuca Khaatumo, ina Khaliif Galaydh, oo si baryo iyo kasoo daba tuur ah la iskaga darey markii danbe, samarsiisna loola niyoodey.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo goob jog ah ayaa qeexaya in kadib baryo badan iyo ergooyin is daba joog ah oo Boqor Cabdullaahi Axmed Cali Dabagooye, Chief Caaqil Xaaji Maxamuud Xaaji Cumar Camey iyo gudiga xulashada baarlamaanka culeys ku saarayey in ay bal waxuun u ogalaadaan Mashruuca Khaatumo-Seeg maadaama ay iyaguba beesha ka mid yihiin waxay doonaanba ha ahaadeene ama ha aaminsanaadaane, ayuu Boqorku deeq u siiyey inay hal xildhibaan oo keliya soo magacaabaan, oo weliba uu farey inay ku haboon tahay inay ka dhigaan gabadh “Guuto Kowaad.”

Hase ahaatee waxaa xusid mudan in Garaad Jaamac oo isugu yeedha “Garaadka Guud” uu magacyadii beelaha ee uu jeebka ku sitey oo kala ahaa Barkad, Qayaad, Yaxye iyo Bahararsame uu markii Boqorku u fasaxay hal xildhibaan uu durbadiiba kala soo  dhex boodey Ina Khaliif Galaydh oo ay isku jifi yihiin, intii kalena cidla kaga dhaqaaqay iyagoo meelay maciinsadaan la’, dhan walbana seegay. Waxaa iyana xusid mudan inay tahay nabsi aan biyo isa soo marin in Boqorkii uu ina Khaliif Galaydh ku aflagaadoonayey ee uu lahaa isimba ma aha uu noqdo Isimka ugu awooda badan ee looga soo baryo inuu ku daro xildhibaanada.

Mareegaha u adeega mashruuca Khaatumo-seeg ayaa beryahanba bulshoweynta SSC been iyo khuraafaad ku maaweelinayey, waxayse si cad ugu soo biyo shubatey godkii weligeedba Taleex Media shacabweynaha SSC uga digi jirtey: KHAATUMO-SEEG WAXAA LOO DHOOBDHOOBTAY IN ina Khaliif Galaydh KURSI KU DOONTO!

Tolow maxay haddana soo qori doonaan? Maxaase “Guuto Kowaaad” lagu xaal marinayaa?

 

Editor: Taleex Media

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. Maxamed says:

    Taleex midhiya waxan idin leeyahay guul guul waa ilaahay mahadii hadii maanta boqor c/laahi la dul fadhiyo garaad guudna majiro anuu garaad ii ahaa ana caawa garad uma quudhayo dhul-bahantana waa punt-land waana muqadas maalinba meel lanoola cadhonayo anaga (khatumo seeg The End)