Published On: 22 August 2012 1:00 pm

Ciidamo ka tirsanaa Maleeshiyada Khaatumo oo kusoo biiray Ciidanka Dawladda Puntland

Waxaa saaka hiirtii waaberi kusoo biiray ciidamada xoogga dalka ee Puntland maleeshiyo beeleed tiradoodu gaadheyso soddon nin oo ku gaashaaman saddex gawaadhida tiknikada loo yaqaano ah. Maleeshiyadaas ayaa hore uga tirsanaan jirtey ciidamo beeleedyo ay horey u duufsatey mashruucii Khaatumo-seeg ee fashilka iyo fadeexadda kusoo gebageboobay, kadib markii ay sida dharaarta cidwalba ugu caddaatey in mulkiilaha mashruucaasi, ina Khaliif Galaydh, oo markiisii horeba mugdi isku nabayey uu awrkiisa uun ugu kacsananyey si uu kursi ugaga boobo Muqdisho, balse aan xoreynta iyo midaynta beelaha SSC marnaba dan iyo muraadtoona ka laheyn.

Mashruucaas Khaatumo-seeg oo hanti badana ka lunsadey bulsho-weynta SSC, khaasatan Guuto Koowaad,  khasaarooyin kale oo naf iyo maalba lehna soo gaadhsiiyey ayaa aaney weli ilaa iyo hadda caddeyn qaabka iyo cidda lagula xisaabtamayo.

Maleeshiyadaas ayaa balanqaadey in ay iyagu ka markhaati furayaan haddii loo baahdo in muddadii 7-da bilood aheyd ee ay ka tirsanaayeen Mashruucaasi Khaatumo-seeg si joogto ah loogu wacyiyi jirey colaad u qaadida Puntland iyo beelaha walaalahood ee Harti ee ay dhiigga, dhalashada, dhulka iyo dhaqankaba wadaagaan , balse aan marnaba lala soo hadal qaadi jirin wax danaha Dhulbahante khuseeya hadday tahay xoreyn iyo midayn toona, taasina ay ka mid tahay sababaha u waaweyn ee ku dhaliyey inay isaga soo baxaan mashruucaas ummada majaro habaabinayey.

Waxaa kaloo ay maleyshiyadaasi soo goosatey ay intaa raaciyeen in ay ugu baaqaayaan dhamaan beelaha kale ee Dhulbahante ee wax kaga sii hadhsan yihiin mashruucaasi Khaatumo-seeg in ay iyaguna sida ugu dhakhsiyaha badan u qaataan go’aan la mid ah kooda oo ay walaalahood kusoo biiraan si loo mideeyo cududda iyo calafka reerka, loona tayeeyo maamulkooda Puntland, si isla markaana si wada jir ah loogu guntado xoreynta, midaynta iyo dib usoo celinta degaannada dibboodey ee ay Laascaanood ugu horreyso.

Goor dhow Taleex Media kala soco waxii faahfaahin ah oo maqal iyo muuqaalba leh.

Editor: Taleex Media

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. wadani says:

    adeer khaatumo awelba waxjira ma ahayn ee mashruuc
    uu ku shaqaystu galaydh buu ahaa isna waa ku meel gadhay
    oo waa halay xildhibanimaduu doonayay markaa ninba
    halkuu nafmoodo buu u cararayaa ama pudland ama somaliland
    ama xamar xaalkoodu waa ninba meel ku asqaw