Published On: 23 August 2012 11:50 pm

Wasiir Cabdi Qawdhan oo Garoowe Ku Qaabilay Maleeshayadii Khaatumo-Seeg(Video)

 

 

Sacaadatu Wasiir Cabdi Ibraahim Warsame( Cabdi Qowdhan) oo xaruntiisa Garoowe ku qaabilay maleeyshiyo kasoo guryo noqatey khiyaamadii iyo khaladaadkii Khaatumo-Seeg ay ku duufsatey ayaa hadaladiisii uu goobtaa uu maleyshiyadaas kula wareegayey saxaafada uga jeediyey waxaa ka mid ahaa:

” Saraakiisha iyo ciidamadu waxay ogaadeen xaqiiqdii, waxay ogaadeen in been loo sheegay, waxay ogaadeen in kuwii  iyagoo mas’uuilyiin  halkan ka ah ay raaceen oo la shaqeeyaan  in ay Hargeysa maanta ku sugan yihiin badidoodii, qayb badan oo kelena in ay maanta Muqdisho u joogaan inay kuraasi kaga raadsaan, saaseyna u ogaansadeen in ay maamulkoodii ay awelba  ka tirsanaayeen dib ugu soo noqdaan, annana waxaan leenahay soo dhowaada, kusoo dhowaada dalkiina hooyo oo awelba aad qeyb ka mid ah joogteen, kusoo biira ciidamadiinii, saraakiishiinii, maamulkiinii,  inta hada maqan ee weli arimahaa mugdi kaga jiro oo aan fahmin iyadoo wakhtigii si cad loo fahmi lahaa la joogo, waxaan idinna idin leenahay walaaleyaal kusoo biira dadkiina iyo dalkiina.”

Halkan Ka Daawo (Video) Cabdi Qawdhan oo la Wareegaya Maleyshiyadii Khaatumo-seeg

 

Editor, Taleex Media