Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada, Abdi Qowdhan oo Qaabilay Maleeshiyadii Soo Guryo Noqotay(Cod)
Waxaa saaka hiirtii waaberi kusoo biiray ciidamada xoogga dalka ee Puntland maleeshiyo beeleed tiradoodu gaadheyso soddon nin oo ku gaashaaman saddex gawaadhida tiknikada loo yaqaano ah. Maleeshiyadaas ayaa hore uga mid ahayd ciidamo beeleedyo ay horey u duufsatey mashruucii Khaatumo-seeg ee fashilka iyo fadeexadda kusoo gebageboobay, kadib markii ay sida dharaarta cidwalba ugu caddaatey in mulkiilaha mashruucaasi, ina Khaliif Galaydh, oo markiisii horeba mugdi isku nabayey uu awrkiisa uun ugu kacsananyey si uu kursi ugaga boobo Muqdisho, balse aan xoreynta iyo midaynta beelaha SSC marnaba dan iyo muraadtoona ka laheyn.
Haddaba Wasiir ku xigeenka maaliyada, Abdi Ibraahim Warsame oo qaabilay maleeshiyadaas soo guryo noqotayay ayaa soo dhoweeyay go’aankaas ay qaateen ee ah inay isa soo dhiibaan isagoo uga garaabaya khaladaadkii iyo jaha wareerkii lagu lug gooyey markoodii horeba, ayna Alle mahadii tahay hadday maanta taas garteen oo ay ciidamadooddi ay ka mid ahaayeen kusoo noqdeen.
Halkan Ka Rogo Codkii Wasiirka
Waxaa isna halkaa ka hadley taliyaha maleeshiyadaas, Maxamud Cali Xirsi Afgaab, oo sheegay inay Khaatumo-seeg ay ahayd mashruuc loo sameystay in kuraas Xamar lagaga doonto, maadaama ay maanta beentii la isu sheegayeyna caddaatey uu ka fursan waayey in isaga iyo malayshiyadiisuba ku soo laabtaan dowladooda Puntland.
Editor: Taleex Media














