Barnaamujka Xulashada Toddobaadka: “Qof aan Federaalka aqoonsanayn yaanu isu sharrixin Jagada Afhayeenka Golaha Shacabka.
Waxa foodda inagu soo haya doorashooyinka Guddoomiya Golaha Shacabka (Baarlamaanka) iyo sidoo kale doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. haddaba iyadooy arrintaasi jirto ayaa Telefiishanka Somalichannel wuxuu qabtay dood xiiso badan oo ku saabsan rajada xilliga kala guurka, kala duwanaanshaha Baarlamaankanka cusub iyo kii ka horreeyey ee ay hadheeyaan “Hoggaamiye Kooxeedyada” iyo dad ay soo xuleen qabqablayaashii dagaalku.
Qoddobo badan oo laga dooday waxa ka mid ahaa waxyaalaha lagama maanmaanka u’ah in laga rabo Afhayeenka Golaha Shacabka. Aqoonyahan ka mid ah kuwa doodda ayaa soo jeediyey aragti ay tahay lagama maarmaan in umadda Soomaaliyeed udhug lahaatoo haddii la rabo in laga badbaado is qabqabsi ka dhex aloosma Golayaasha Dawladda wuxuuna yidhi “Waa in qofka rabaa inuu noqdo Afhayeenka Golaha Shacabku (Guddoomiyaha Baarlaamanka) uu noqdaa qof aqoonsan Dastuurka Qaranka guud ahaan iyo gaar ahaan Nidaamka Federaalka” waxa xaqiiqo ah in raga utartamaya Guuddoomiyenimadu Gaar ahaan Prof. Galaydh inuu kasoo horjeedo nidaamka Federaalka sidaa daraaddeed aanu aqoonsanayn “Dastuurka Qaranka” . Arrintani waxay sababi kartaa in dawladdii inta badan la sugayey ee juhdiga badan lagu bixiyey ay ku bilaabanto is qabqabsi waa haddii loo oggolaado qof aan dastuurka aqoonsanayni inuu noqdo Afhayeenka Golaha Shacabka.
Halkan Hoose ka daawo dooddii xiisaha lahayd.
http://www.youtube.com/watch?v=RHYi2N3gqts
Editor. Taleex Media.













