Published On: 26 August 2012 8:43 pm

Xildhibaan Saado Cali Warsame oo Muqdisho gaadhay kana qaybgashay Kulankii Baarlmaaanka ee Maanta

Waxa maanta gaadhay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ka tirsan xildhibaannada Soomaaliyeed ee laga soo doortay degaannada Puntland. Saado waxay safarkeedan kaga soo kicitintay Magaalada Minneapolis ee carriga Maraykanka halkaasoo ay degganayd dhawr iyo labaatankii sanadood ee waddanka Soomaaliyeed burbursanaa. Saado oo lagu yaqaanno waddaninimo iyo geesinimo waxay sheegtay waa ilaahay mahaddii  inaan maanta dib ugusoo noqday magaaladdii Muqdisho ee caasimadda Soomaaliyeed halkaasoo aan kusoo qaatay noloshayda intii iigu fiicnayd.

Saado waxay tidhi waxaan maanta anigoo dhaawaca aan Xamar u imid inaan samatobixiyo ummadda Soomaaliyeed intii karaankayga ahna aan naftayda uhoro sidii loo heli lahaa dawlad Soomaaliyeed oo taam ah.