Published On: 27 August 2012 3:26 pm

Sheekh Shariif oo ku been abuurtay Saxiixayaasha Road Map-ka iyo iyagoo dhammantood beeniyey warkaas, caddeeyeyna in la xaqdhowro heshiisyadii Garoowe (1,2) Gaalkacyo iyo Addisababa.

Waxa beryahan danbe Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka socotay qabanqabada in la hirgeliyo dawlad Soomaaliyeed oo rasmi ah oo aan ku meel gaadh ahayn. Habkan lagu dhisayo dawladda rasmiga ah waxaa soo waday kooxda loogu magac daray saxeexayaasha qorshaha astaysan (The road map). Hawashan kala guurka oo hadda maraysa gebagebo, ayaa waxa maalmihii ugu danbeyey hadheeyey muran xooggan oo ka imanaya mid ka mid ah lixdii saxeexe, waa Madaxweyne Shariife. Dooddaas waxay salka ku haysaa in uu ninkani [Shariif] udoodayo dagaal oogayaashii iyo xagjirkii labaatanka sano umadda Soomaaliyeed hortaagnaa inay hesho nabad iyo dawladnimo. UmaddaIslaamka ah beenta iyo wax isdaba marintu waa ka xaaraan, waxa imminka intaan ka warhayn umadda Soomaaliyeed la yaab ku noqotay markii ninka magaca Diinta wata “Sheekh Shariif” uu shalay warbaahinta horteeda ka sheegay in saxeexayaashii ay “ku heshiiyeen”  go’aan ka gaadhista qabqablayaasha loo diiday inay baarlamaanka galaan in Maxkamadda Sare ay go’aan ka gaadho.

Arrintan been abuurka ahi waxa isla markiiba beeniyey saxeexayaashii dhammaantood oo qoraallo kasoo saaray umadda Soomaaliyeedna uga digay sharka iyo beenta uu  shariifku kula wareegayo.

Waraysi uu siiyey idaacadda BBC da barnaamijkeedii subaxnimo (27/08/12) ayuu Madaxweyne Faroole ku caddeeyey mawqifkiisa ah inaan saxeexayaashu iyo ummadda Soomaaliyeedna aqbali karin in manta la horkeeno oo ay mas’uuliyiinta ay unoqdaan kuwii umadda Soomilyeed ka hortaagnaa dawladnimada. Wuxuu kaloo ugu baaqay Madaxdhaqameedka beelahaasi inay soo xulaan dadka wax garadka ah ee aan denbiyada gelin ee ka qaybqaadan kara badbaadada umadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in laga helayo dad nadiif ah oo aqoon leh beel kasta hase yeeshee ay odayaasha marin habaabinayaan siyaasiyiin dantooda u’arka inaanay Soomaaliya degin, Kuwaasi waxay ku gabadaan ama umadda ku hadimeeyaan horena ugu hodeen magac qabiil ama magac diimeed hadba kay arkaan inay dantooda gurracan ku gaadhayaan.

“Ma jirto beel wada xun, mana jirto beel wada fiican, marka Beelaha ay ka soo jeedaan dambiilayaashan waxaa ka buuxa dad wanaagsan oo aqoonyahano, Culimo iyo Ganacsato oo ay ka mid yihiin ee kuwaas ha lagu soo badalo ayuu yiri” Madaxweyne Faroole.  Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu raaciyey,“Ninkii Dambile raba isna waa dambiile kale, Maxkamadahii iyo Dagaal oogayaashii waa isku mid, Maxkamaduhu waxay qabsadeen dhul ballaaran oo Soomaaliya ah, waxay soo weerareen Puntland oo 60Km u soo jirsadeen Gaalkacyo, waxey rabeen in ay burburshaan Puntland dabadeedna Somaliland u gudbaan, marka waxaan u arkaa in ay yihiin dambiilayaal dagaal oo is raadsanaya ayuu yiri”.

Waxa kaloo isna ka hadlay been abuurkan Shariif Ra’iisal Wazaare Gaas oo sheegay inaanay jirin saxiixayaal kulmay oo go’aan gaadhay, isagoo sheegay in go’aannadii wada jirka loo wada gaadhay ee Garoowe 1 iyo 2 kii Gaalkacyo iyo kii Addis Ababa ay yihiin kuwa keliya ee sharciga ah isagoo arrinka ka hadlayona wuxuu yidhi  “Saxiixayaasha waa badan yihiin, in la isugu yeero oo go’aan la gaaro weeyaan, cid gaar ah oo go’aan gaari karto ma jirto”ayuu yiri Dr. C/wali Gaas. Wuxuu kaloo Gaas intaa raaciyey 
“Inta gudubtay ee xildhibaanada noqotay waa kuwo shuruudihii buuxiyey oo loo gartay iney baarlamanka ka mid noqdaan kuwo la diidayna waxay buuxin waayeen shuruudihii ay saxiixeyaashu dejiyeen, sidaa awgeed waa in la ixtiraamaa guddiga farsamada howlahoodana fara gelintana laga joojiyaa”

Waxa kaloo si wada jir ah qoraal usoo wada saaray ku aaddan been abuurka Shariif Madaxweynaha Galmudug Caalim iyo Hoggaamiyaha Ahlusunnaha mudane Maxammed Yuusuf Awlibaax.

Editor: Taleex Media.