Published On: 28 August 2012 5:50 pm

Prof. Jawaari oo ku guulaystay jagadii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya: Sideese wax udhaceen?

Waxa maanta ku guulaystay jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxammed Sheekh Cismaan Jawaari. Jagadani waxa utartamayey mudanayaal lix ah waxase wareeggii koowaad oo codaynta usoo baxay kaalinta koowaad Mudane Jawaari oo helay tiro ah 119 cod iyadoo xildhibaannada codaynayey ay ahaayeen 236 mudane. Kaalinta labaadna waxa galay Prof Galaydh oo helay tiro ah 77 cod.  Cabdi Xaaashi ayaa kaalinta Saddexaad galay oo helay 23 cod, C/rashiid Xiddig ayaa helay 10 cod, halka Xassan Abshirna helay 5 cod.

Wareeggii labaad ayaa durbadiiba waxaa tanaasulay Mudane Xaashi, Xiddig iyo mudane Abshir waxayna intaa raaciyeen inay ku talinayaan inay codadkooda ku biiriyaan Dr. Jawaari. Hase yeeshee Prof Galaydh ayaa ku adkaystay inuu gelayo tartanka wareegga ugu danbeeya.

Waxa xusuus mudan codadka ay kala heysteen Mudane Jawaari oo ahaa 129 waxay udhigmaysaa 50.42% halka 77 ka cod ee Galaydh ay udhigmayeen 32.6%, qiyaastan waxaa ku cad inaanu fursad lahayn Prof Galaydh inuu ku guulaysto wareeggaas maaddaama uu Jawaahiri wareeggii koowaad ku guulaystay tiro ka badan 50% cod, ayna udheertahay codadka taageerayaashi Xiddig, Xaashi iyo Abshir. Mudane Galaydh markuu xisaabtaa isu min guuriyey ayna ucaddaatay inaanu fursad lahayn ayuu isna aakhirkii ku dhawaaqay inuu “tanaasulay”.

Haddaba halkaa waxa maanta kusoo afjarmay tartan muddo la sugayey siday u ekeendoonto hanashada hoggaanka sare ee Soomaaliya.  Waxa aynu sugnaanna marka ay dhammaato goordhow doorashada labada guddoomiye kuxigeen waxa weeyaan tartankii labada jago ee dawladda usarreeya ee kala ah Jagada Madaxweynaha iyo Raisalwasaaraha iyadoo ay maanta beesha Digil iyo Mirifle ay qaateen sedkoodii 3da jago ee dawladda usarreeya oo ah Guddoomiyaha Baarlamaaka.

 

Taleex Media waxay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Mudane Jawaari ugu hambalyaynaysaa xilka uu uqaaday ummadda Soomaaliyeed. Waxaannu kaloo ummadda Soomaaliyeed urajaynaynaa in ilaahay ka dhigo hogaankan cusub iyo kuwa la rajaynayoba (Madaxweynaha iyo Raisal Wasaaraha) kuwii ummadda Soomaaliyeed mideeya kana saara marxaladan adag ee la deristay dhawr iyo labaatankii sano ee edanbeeyey.

Editor: Taleex Media