Published On: 29 August 2012 7:31 pm

Beesha Caalamka iyo Madaxda Soomaalida oo diiday Go’aankii “Maxkamadda Sare” kuna taliyey in Guddoonka cusub ee Baarlamaanka loo daayo inay go’aan ka gaadhaan arrinta Dagaal oogayaasha.

Waxa maanta kulan kuyeeshay Magaalada Muqdisho xubno ka socda Midowga Yurub, Beesha Caalamka iyo Masuuliyiinta Soomaalida ee ay ka kid ahaayeen Guddoomiyah cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya  Prof Jawaari, Guddoomiyihii ku meel Gaadhka ahaa ee Baarlamaanka Gen. Muse Xassan, labadii guddoomiye ee Guddiga xulisata Baarlamaanka, iyo wakiilka Qaramada Midoobey ufadhiya Somaliya Ambassador A. Mahiga. Kulankaas oo ujeeddadiisu ahayd sidii go’aan midaysan looga gaadhi lahaa xubno lagu eedeeyey inay qayb ka ahaayeen burburkii iyo barakicintii Soomaaliya oo ubadan Hoggaamiye Kooxedyadii koonfurta Soomaaliya.

Xubnahaasi oo horay guddiga xulistu uga reebeen inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya. Guddiga Xulistu waxay ku sababeeyeen go’aankoodaa inay raacayeen shuruudo hore ay ugu heshiiyeen xubnihii daadihinayey qorshaha kala guurka waa Saxiixayaashii tubta loo asteeyey xilliga kala guurka ee “Road Map-ka” iyo weliba Beesha Caalamaka oo uu metelayey wakiilka Qaramada Midoobay uqaabbilsan Soomaliya Amb. Mahiga.

Haddaba sidaad la socotaan waxa shalay [28/08/12) go’aan gaadhay Maxkammada Sare ee Soomaliya go’aankaas oo ahaa inay maxkamaddu ogolaatay in lagu daro Baarlamaanka Soomaaliya qabqablayaashii dagaalka. Hase yeeshe waxa go’aankaa aan aqbalin guddoonka Baarlamaanka iyo Guddigii Madaxa Bannaanayd ee loo xilsaaray soo xulista Baarlamaanka (TSC).  Horena waxa go,aan  Beesha Caalamku ugu gaadheen inaanay mustaqbalka Soomaaliya qayb ka noqon “Dagaal oogayaasha iyo Xagjirku”.

 

Kulankan Maanta waxa soo gunaanaday Amb. Mahiga, wuxuuna ugu horraynba ammaan usoo jeediyey Guddiga Xulista Baarlamaanka isagoo ugu hambalyeeyey  sida xilkasnimada iyo geesinimada leh ee ay shaqadoodii xulista Baarlamaanka uguteen. Intaas ka bacdina wuxuu sheegay in dhinacyadii maanta ku kulmay Muqdisho ay go’aan wada jira ah ku gaadheen inaan loo oggolaan inay Baarlamaanka ka midnoqdeen dagaal oogayaashaasi . Wuxuu kaloo intaa raaciyey inaan go’aankii Maxkamadda waxba ka jirin, arrintanna faraha looga qaado inay go’aan ka gaadhaan guddoonka cusub ee Baarlamaanku.

Editor: Taleex Media