Published On: 29 August 2012 7:06 am

Galaydh Garab ka jabey meelna, waa uma gurguurtaane… Laga Guurye Odaygiina yaa, Gurada saaraaya?

 

 

 

 

 

 

  • Kalshaalow Jigraar lama gabyee, jaalkay baad taheye
  • Adaa jannal niyuusoo wacaal jabaqna dhaafeyne
  • Jabka dhacey bal gaarsii raggii, warbey jirin insha Allaaye

 

  • Galaydhkii jaleelnaa ragbaa, baalashii jarey dheh
  • Afkaa juuqda gabey Jaamacii, jaahii laba waa dheh
  • Jamacoodba Khaatumo hogaan, jaraha loo goo dheh

 

  • Jii-sikis koley tahay colkii, jaanta wada gooy dheh
  • Janankuna jixiin uma damqado, jeedal lasii raac dheh
  • Jirka da’ay reer tolkeen farax,  jaawis ku cawee dheh

 

Editor, Taleex Media