Published On: 31 August 2012 4:48 pm

Doorashada Madaxweynaha oo Dhaceysa 10-ka September.

Guddiga baarlamaanka ee doorashada madaxweynaha ayaa maanta ku dhawaaqay in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhici doonto 10-ka bisha September.
Guddiga ayaa sheegay in qabashada araajida musharrixiinta madaxweynaha ay socon doonto 3-da ilaa 6-da bisha.
Musharrixiin badan ayaa u tartamaya jagada madaxweynenimo, waxaana ku jira, madaxda haatan wakhtigoodu dhammaanayo ee Sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo C/weli Gaas.
Source: VOA Somali.