Warqad furan oo ku socota Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliyeed: (By Mahiga)
Walaalayaal, Marwooyin iyo Mudanayaal, Asalaamu Caleykum,
Waxaan warqaddan idiinku soo qorayaa iyadoo ay noo soo dhowdahay maalin dhab
ahaantii aad muhiim ugu ah dhammaan dadka soomaaliyeed. Ka dib muddo labaatan sano ah
oo lagu jiray dagaal sokeeye, burbur dowladeed iyo niyad jab aan la soo koobi karin oo ku
dhacay dadka Soomaaliyeed ee sharafta leh, waxaan maanta ku jirnaa saacadihii ugu
dambeeyey markii la qaban lahaa doorashada Madaxweyne cusub – arrintaasoo ah dhacdadii
gebi ahaanba soo afjaraysa xilliga ku-meelgaarka ah waxaana loo gudbayaa marxalad ah
isbedel siyaasadeed iyo mid bulsho-dhaqaale.
Ma dhib yareyn sidii heerkan aynu ku soo gaarnay. Dhibkii badnaa ee dhammaantiin
aad soo wada marten sannadihii dhibaatada badnaa ee la soo dhaafay waxaa idiin dheeraa in
geeddi-socodka siyaasadda iyo xaaladda amniguba ayn ahayn mid sahlan. Waxaa jirtay in
marar ay rajadu u muuqatay mid luntay oo mararka qaar aynu qarka u saarneyn masiibo.
Hase ahaatee, geesinimada, ku-adkeysiga iyo go’aanka dadka Soomaaliyeed ayaa waxay ka
adkaadeen caqabadahan adadag waxay ina soo gaarsiiyeen halka aynu maanta joogno: Laga
soo billaabo ururintii Odeyaasha Dhaqanka, Golihii Ansaxinta Dastuurka, Xulitaankii
Baarlamaanka iyo doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka, hanaanku wuxuu ahaa mid loo
wada dhanyahay, hufan oo laga wada qaybgalay. Habkan la raacay ayaa sidoo kale qayb ka
qaatay badbaadinta xaaladda. Guud ahaan, geeddi-socodka iyo natiijada ka dhalatayba waxaa
ammaanay inta badan dadka Soomaaliyeed gudaha dalka iyo dibaddaba iyo weliba bulshada
caalamka oo idil.
Yoolka la higsanayo waxaa la gaarsiiyay meel aad u sareysa. Tani waa inay sii
socotaa, maadaama, indinkoo ah xildhibaanadii Baarlamaanka ugu aqoonta sareeyay
taariikhda Soomaaliya, aad diyaar u tihiin inaad doorataan Madaxweyne soo dhisa xukuumad
cusub oo aan ku kalsoonahay inay ka soo bixi doonto shuruudihii aad horeba u dejiseen.
Labadan toddobaad, waxaad durbaba muujiseen hogaan wanaagsan iyo hanashada geeddisocodka idinkoo ka wakiil ah dadka Soomaaliyeed. Dhammaan dadka Soomaaliyeed, Waddamada Gobolka iyo bulshada caalamka inteeda kaleba waxay rajo iyo u hanqaltaagid ku eegayaan kuna dhowrayaan maalmahan yar ee haray. Waa inaan ka soo baxnaa rajadan iyo
filashadan oo aan dooranaa Madaxweyne na siin doona xukuumad wanaagsan oo la aamini
karo oo idiin noqonaysa hogaan wadajir ah ee Baarlamaankan cusub.
Walaalayaal, Marwooyin iyo Mudaneyaal, hadda arrintu idinka ayay idiin taallaa.
Idinkaa ah awoodda gobanimada ugu sareysa dalka. Mustaqbalka dalka hadda gacantiinuu ku
jiraa. Maalmaha soo socda waxaa idin la hadli doona dhammaan musharaxiinta oo si fagaara
ah u soo jeedin doona aragtidooda. Dhegeysta oo ka dhex xusha (go’aan ka gaara).
Waxaynu dhammaan wada maqalnay warar ku-tiri-ku-teen ah oo la isla dhexmaraya
oo ku saabsan musuqmaasuq iyo isku day laaluush. Warbaahinta waaxa ka buuxa eedeymo
ah in inaga dhammaanteena oo hawshan wadna aynu qaadanay lacago ama naasnuujinno kale
si loogu codeeyo musharax gaar ah ama la isku dayo in doorashada dhinac loo weeciyo. Run ha ahaato ama been ha ahaato, runtu maalin bay soo bixi doontaa, laakiin hadda aan siisocono. Codeynta aad ka wada qayb qaadan doontaan waa mid qarsoodi ah gebi ahaanba. Ma jiro qof aan ahayn adiga iyo Eebbaha Ilaahay ah, ee ku eegaya, oo og magaca aad ku ridayso sanduuqa codeynta. Weligaa laguma ogaanayo waxaadna leedahay xasaanad oo lagaama aargoosan karo. Waxaan idinku goobaabinayaa inaad ka fikirtaan waxa dalkiina u fiican oo codkiina ku bixisaan damiirkiina oo saafi ah. Waa inaadan ka fikirin inaan ku qasban tihiin waajib gaar ah oo aan ahayn danaha dalkiina iyo dadka Soomaaliyeed. Doorta musharaxa noqon doona mid daacad ah oo waxtarna u ah inuu dalka ku hogaamiyo aragti ku haboon afarta sanno ee soo socota oo ah isbedel iyo nabad ka dhalata Soomaaliya. Sharaftiina iyo fursadiinaba waxay ku jiraan codka qarsoodiga ah, ee marnaba fursadani yayna idinka siiban 10ka bisha September 2012.
Dr. Augustine P. Mahiga
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Hoos ka fiiri haddaad rabtid warqaddam inaad Af Ingiriisi ku akhrisatid.
Open letter to Somali Parliamentarians
My brothers and sisters, As-Salaamu Alaikum,
I write to you as we approach a truly momentous day for all Somalis. After two
decades of civil war, a collapsed state and innumerable indignities to the proud Somali people,
we are hours away from the election of a new President—the event that will completely end
the transitional period and move us towards a phase of political and socio-economic
transformation.
It has not been easy getting us to this point. In addition to the privations you have all
endured during these past difficult years, the political process and the security situation has
not been easy. There have been moments when all seemed lost and we have sometimes been
on the brink of despair. Nevertheless, somehow, the courage, tenacity and determination of
the Somali people has overcome these formidable obstacles and brought us to where we are
now. From the gathering of the Elders, the National Constituent Assembly, the inauguration
of Parliament and to the selection of the Speaker, the process has been inclusive, transparent
and participatory. This approach also contributed to rescuing the situation. The process as a
whole and its outcome has been lauded by the majority of Somalis at home and abroad as well
as by the whole International Community.
The bar has been set very high. This must continue as you, the most qualified and
representative Parliament in Somali history, prepare to elect a President who will form a new
government which we trust will live up to the standards you have already set. In these two
weeks, you have already demonstrated leadership and ownership of the process on behalf of
the Somali people. All the Somalis, the Region and the rest of the International Community
are watching during these remaining few days with hope and great anticipation. We should
live up to these expectations by electing a President who will give us a government which is
as good and credible as your collective leadership in this new Parliament.
My brothers and sisters, it is all up to you. You are the highest sovereign authority in
the land. You are the custodians of the future which is now in your hands. In the coming two
days you will hear from all the Presidential candidates as they present publicly their visions.
Listen to them and make your choice accordingly.
We have all heard the rumours of corruption and attempted bribery. The media is full
of allegations that all of us engaged in this process have taken money or other inducements to
vote for a particular candidate or to try and sway the election one way or another. Wrong or
right, the truth will come out one day, but meanwhile, let us move on. The vote in which you
will all participate is entirely secret. No one, but you and God the All Mighty watching you,
will know what name you place in the ballot box. You will remain anonymous and immune
from retaliation. I implore you to think of the good of your country and vote with a clear
conscience. You should not feel bound by any obligation other than the interests of your
country and the Somali people. Choose the candidate who will be honest and effective in
leading the country with a vision appropriate for the next four years of transformation and
peace-building in Somalia. Your honour and chance is in the secret ballot, do not let this
chance slip away on the 10th of September 2012.
Dr. Augustine P. Mahiga
Special Representative of the United Nations Secretary-General for Somalia
Source: UNPOS













