Published On: 11 September 2012 4:43 pm

Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya oo kulankiisii ugu horreeyey la yeeshay Wakiilka Qaramada midoobey ee JFS iyo Ku-xigeenkiisa.

Waxa saaka kulan booqasho ah ugu tegey Madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliya Wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya  Augustine Mahiga  iyo kuxigeenkiisa Peter de Clercq . Labadan ma’,uul waxay ugu horrayn uhambalyeeyeen Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliyeed guushii taariikhiga ahayd ee  uu ku guulaysatay inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyey ee si Dimuqraadi ah loogu soo doortay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan caasimaddisa Muqdishu muddo ku dhow 40 sannadood.  Waxay kaloo xuseen doorashadan taariikhiga ahayd inay ahayd mid waddanku kaga baxayo marxaladdii ku meel gaadhnimada oo loogu gudbayo Dawlad rasmi ah. Wxay kaloo Wakiilka Qaramada Midoobay ee  JFS iyo ku xigeenkiisu ay ammaan usoo jeediyeen habka ay udhacday doorashadaasi oo ahayd mid udhacday si hufan oo qaddarinina ku dheehan tahay, loona dhammaa.

Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Federaaliga ee Soomaaliya ayaa isna dhankiisa uga mahadceliyey mas’uuliyiintan booqashada ugu timid. Wuxuu Madaxweynuhu sheegay inuu diyaar uyahay inuu la shaqeeyo “Qaramada Midoobay”. Ugu danbayntiina waxa dhankiisa ku baaqay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay inuu diyaar uyahay inuu taakuleeyo Dawladda cusub ee Soomaaliya.

Warbixintan oo Af-Ingiriisi ku qoran hoos ka akhri.

Mogadishu, 11 September 2012 – Special Representative of the Secretary-General for Somalia (SRSG), Augustine Mahiga and Deputy Special Representative (DSRSG), Peter de Clercq paid earlier today in Mogadishu a courtesy visit to the newly-elected President of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud. SRSG and DSRSG congratulated the President-elect on his victory, which marked the end of the transitional period. The UNPOS leadership paid tribute to the integrity and quality of the process, which was both representative and transparent.
President Hassan Sheikh thanked the SRSG Mahiga and DSRSG de Clercq and indicated that he was looking forward to work with the UN. The UNPOS leadership in return pledged support to the new Somali government.