Published On: 12 September 2012 3:20 pm

Dawladda Brirain oo Macsuumad ufisay Madaxweynaha JFS inuu booqasho ku yimaaddo dalkeeda.

 

Xoghayaha arrimaha debedda ee dalka Britain William Hague ayaa shalay khadka telefoonka kula xidhiidhay Madaxweynaha la doortay ee JFS Mudane Xasam Sheikh Maxamuud. Xoghayuhu wuxuu ugu horrayn ugu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub guusha taariikhiga ah ee lagu doortay. Intaa ka bacdi wuxuu xoghayuhu uxaqiijay In Dawladda Britain ay garab taagan tahay dawladda cusub e dhalatay iyo inay mustaqbalka ka taageeri doonaan sidii looga abuuri lahaa nabad iyo xasillooni Waddanka Soomaaliya. Waxa isna dhankiisa uga mahadceliyey dawladaa Britain dadaalkii ay ugashay  inay Soomaaliya hore usocoto kuna tallaabsato horumarkan Madaxweynaha la doortay ee JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Intaa ka bacdi Xoghayaha Arriimaha Debedda ee Britain ayaa ku macsuumay Madaxweynaha JFS inuu booqasho ku yimaaddo carriga Britain.

 

Hoos ka akhri qoraalkan oo Af Ingiriisi ku qoran.

The Foreign Secretary congratulated President Hassan Sheikh on his election. He assured him of British help and support both as the new Somali government is formed and beyond in seeking to create peace and stability in Somalia.  President Hassan Sheikh thanked the Foreign Secretary for the work done by the United Kingdom this year in pushing forward the progress made in Somalia.

The Foreign Secretary invited President Hassan Sheikh to visit the United Kingdom.

Source: FCO