Khasaarihii qaraxii ka dhacay Xamar ee lala beegsaday Hoygay ku kulansanaayeen Madaxweynaha JFS iyo Waziiirka Arrimaha debedda Kenya
8 qof ayaa ku dhimatay qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdishu ilaa imminka inata la xaqiijiyey . Qaraxaas waxa lala beegsaday Hotel Jaziira oo uu degganyahay Madaxweynaha JFS. dadka dhintay ayaa lagu sheegay Laba qof inay ahaayeen dadkii is miidaamiyey, Saddex ka mid ahina waxaa lagu sheegay inay ahaayeen Ciidamada Amniga Soomaaliya, Laba kalena waxa lagu sheegay inay ahaayeen Ciidanka Amisom iyo hal qof oo rayid ah. Warkan waxaa soo tebiyey weriyaha BBC-da laanteeda AfSoomaaliga Ibrahim Maxammed Aden oo ku sugna goobta qaraxaasi ka dhacay.
Markii uu qaraxaasi dhacay wax kulan usocday Madaxweynaha JFS iyo Waziirka Ariimaha debedda ee Kenya Sam Ongera. Waxaana ammintaasi qaraxu dhacayey hadlayey Wasiirka Arrimaha Debedda Kenya oo markaasi ka hadlayey “Amniga Soomaaliya”.
Qaraxaasi waxa sheegtay Ururka Argagaxisada ee Al-Shabaab oo umuuqda inay khalkhal abuuraan xilligan kala guurka ee xukunka lala kala wareegayo.
Wasiirkii arrimaha dibedda ayaa hadda wuxuu kusuganyahay Madaarka Muqdishu si uu dib ugu laabto waddankiisa. Sida uu kusoo warramayo weriyaha BBCda Xamar ujooga waxa la adkeeyey waddooyinka gala Madaarka iyo agagaarka Hotelka qaraxu ka dhacay.
Waxa kaloo xusid mudan in dhaawac aad ubadani soo gaadhay dadkii iyo ciidankii ka agdhowaa goobta qaraxu ka dhacay.













