Published On: 12 September 2012 12:35 am

Talo ku socota Madaxweynaha la doortay oo ku wajahan Raisal Wasaaraha la filayo inuu magacaabo

12:55

Marka hore waxaan halkan uga hambalyaynayaa ummadda Soomaaliyeed guud ahaan , doorashadii taariikhiga ahayd ee ka dhacday caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ee Xamar. Mar labaad waxaan tahniyad iyo ducuba udirayaa Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliyeed mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaan jeclaystay inaan halkan kusoo gudbiyo talooyin aan u arkay inay habboon tahay inaan waqtigan gaadhsiiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku aaddan soo xulista Raisal Wasaaraha la filayo inuu dhowaan soo magacaabo;

1)      Waa inuu yahay qof Muslim ah oo ku caan ah Alle ka cabsi

2)      Waa inuu si buuxda u’aaminsanyahay midnimada iyo wada jirka umadda Soomaliyeed

3)      Waa inuu yahay qof aaminsan Dastuurka Qaranka ee Federaliga ah

4)      Qof aqoon leh daacadna ah oo ammaano ilaaliye ah (sida aayadda kor ku xusan)

5)      Qof isu soo ururin kara umadda Soomaliyedd ee kala irdhowday

6)      Qof aan hore ugelin denbi qaran iyo mid qoystoonna, ama xatooyo qaran iyo mid qabiiltoonna.

7)      Qof aan ka qaybqaadan colaadihii iyo xasaradihii Soomaaliya ragaadiyey

8)      Qof isu soo dhoweyn kara dawladda dhexe ee Soomaaliya ee Federaalka iyo Maamullada kale ee hoos yimaadda khaasatan Soomaaliland iyo Puntland (F.G- Qofkaasi weliba waa inuu ahaadaa mid labadaa Maamul ee Somaliland iyo Puntland laftooda isu soo jiidi kara oo ka madax bannaanyahay nacayb reer ama degaan).

9)      Waxa kaloo xusid mudan in dawladdani aanay weli ku dhisnayn xisbiyo kala guulaystay ama ku heshiiyey dawlad wadaag ah (Coalition Government) ee ay ku dhisantahay awood qaybsi reereed, sidaa daraaddeed maaddaama labada Mas’uul ee Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanku ay kasoo jeedaan degaannada Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ( South-Central Somalia) waa in Raisal Wasaaraha laga soo xulaa dhinaca Waqooyi ee waddanka inta udhexeysa Gaalkacyo ilaa Boorame.

Gebagebadii waxaan kula talin lahaa Madaxweynaha cusub inuu badsado wadatashiga qofka uu xulan doonaana ha ahaado qof ku sifooba inuu kusoo biirinkaro helina karo kalsoonida dadka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna kalsoonida dadka ku nool wixii Gaalkacyo Waqooyi ka xiga.

 

Ugu danbayntii waxaan kula talin lahaa Madaxweynaha cusub inuu xoogga saaro “Caddaalada, Caddaalada, Caddaaladda” waayo waxyaalaha ugu waaweyn ee Soomaali halkaa kala geeyey waxa ka mid ah caddaalad darro lakala tabanayo markii la waayeyna geyeysiisay in lays aammini waayo.

Maxamuud Ibrahim (Xaaji) London UK.

dalmarbilaal@yahoo.com