War Cusub oo degdeg ah:Qaraxyo isdaba joog ah oo ka dhacay halka oo Caasimadda Muqdishu ka deggan yahay Madaxweynaha la doortay ee JFS.
Laba qarax oo is daba jog ah ayaa ka dhacay Huteelka uu ka deggan yahay Magaalada Muqdishu Madaxweynihii cusbaa ee la maalinnimadii Isniinta Mudan xasan Sheekh Maxamuud. Sida uu ku soo warramayo weriyah Laanta Afsoomaaliga ee idaacadda BBC du waxa gubanaya gaadiid ka agdhowaa halka qaraxaasi ka dhacay oo ah afaafka hore ee Huteel Jaziira. Waxa durbadiiba meesha qaraxu ka dhacay isku wareejiyey ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM si ay usugan aminiga goobta ugana digtoonadaan in lagusoo hoos dhuunto buuqa iyo sawaxanka meesha faldenbiyeedkani ka dhacay. Waxa kaloo iyana goobta hadda kusoo qulqulaya gaadiidka iyo shaqaalaha gurmadka caafimaadka degdeg ah.
Illa iyo hadda lama caddayn khasaaraha dhabta ah ee qaraxyadaasi ka dhacay aan ka ahayn gawaadhi gubanaysa.
Wixii war ah ee arrintaa ka soo kordha ha moogaan taleex Media.
Editor: Taleeh Media












