Published On: 12 September 2012 2:19 pm

War Cusub:Safiirkii Mareykanka oo lagu dilay Libya

 

Safiirkii Mareykanka oo lagu dilay Libya

Nin madax ah oo ka tirsan dowladda Libya ayaa u sheegay BBC in safiirkii Mareykanka ee magaalada Tripoli, John Christopher Stevens, lagu dilay weerar xalay lagu qaaday qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Benghazi ee dalka Libya.

Sarkaalka Libya waxa uu sheegay in Safiirku u dhintay markii hawada ama neefta lagu celiyay.

Ma jiraanw ax xaqiijin ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Mareykanka, oo ilaa hadda sheegtay in diblomaasi Mareykan ah lagu dilay weerarka.

Qunsuliyadda Mareykanka ee Benghazi ayaa dab la qabadsiiyay, oo rag hubeysan ay ku weerareen qoryo baasuuka ah.

 

Source: BBC