Published On: 16 September 2012 3:08 pm

Nuxurkii Khudbaddii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliya ee Munaasabaddii Caleemo Saarka

Madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisa ku bilaabay Mahadnaq uu usoo jeediyey Martisharafta kasoo qayb gashay Munaasabaddan Caleemo saarka isagoo mid mid uxusay Magacyadooda iyo meelahay ka kala yimaadeen (Dalalka iyo Ururada).

Intaa ka bacdi wuxuu guda galay Khudbaddiisa ku aaddanayd munaasabadan oo ku bilaabay inay maanta atahay maalin Taariikhi ah isagoo intaa raaciyey inay tahay maalintii labaad ee ay xilka la kala wareegaan laba Madaxweyne oo Soomaali ah hab doorasho ah oo ka dhacday Soomaaliya gudaheeda (Tan koowaad waa Aadan cadde iyo Cabdirashiid 1967). Intaa ka dib wuxuu umahadceliyey Madaxweynihii isaga ka horreeyey isagoo sheegay inuu wax badan wax ka soo qabtay xilli adag oo kumeelgadhnimo ah.

Madaxeynuhu wuxuu intaa dabadeed sheegay sida uu rabo inuu dalka uhoggaamiyo iyo waxyaalaha saldhigga u’ah siyaasaddiisa cusub. Wuxuuna ku bilaabay;

Siyaasaddayda waxa gundhig u ah wax uu ugu yeedhay “Tiirarka bilowga cusub ee Soomaaliya” Kuwaasoo kala ah:-

1)      Xasilinta Dalka:- Dal aan amni iyo kala danbayn lahayni horumar kuma tallabsan karo barwaaqona ma higsan karo. Waxa lagama marmaan ah inaan xoogga saarno  a) xasilinta dalka b) Dhisidda Garsoor Madax bannaan oo caddaali ah

 

2)      Soo noolaynta Dhaqaalah burburay ee dalka:- Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhaqaalihii dalku burburay lagama maarmaanna ay tahay in la abuuro jawi lagu samatabixinayo laguna horumarinayo dhaqaalihii umadda. Wuxuu intaa raaciyey bal in marka hore la abuuro jawi saamaxaya in qoyska Soomaliyeed ay helaan fursad ay ku daboolaan nolol maalmeedkooda aasaaska ah.

3)      Dib uheshiisiinta:- Wuxuu madaxweynuhu tibaaxay inay lagama maarmaan tahay in la helo Dib uheshiisiin dhab ah oo dhex marta umadda Soomaaliyeed si loo helo fursad isdhexgal, isdhexmar iyo is aammin ka dhex dhasha umadda Soomaliyeed, isagoo sheegay inaanay sahlanayn muddo dheer iyo samirna ay dib uheshiisiintu ubaahan tahay

4)      Nabad raadinta dadka Soomaaliyeed:- Waxuu Madaxweynuhu sheegay in loo baahanyahay in la hawlgeliyo Madaxdhaqameedka Soomaaliyeed, Waxgaradka Soomaaliyeed iyo xeeldheerayaasha nabad raadinata. Wuxuu madaxweynuhu intaa raaciyey inay qorshaha ugu jirto in la hirgeliyo ergo nabad raadineed oo isaga gooshta gobollada iyo degmooyinka dalka, cid walbana dhegeysata waxay tabanyaan xal waarana kasoo saara arrimaha la kala tabanayo

5)      Midnimada Dalka:- Midnimada dalku waa arrin u muhiimah qof walba oo Soomaali ah ayuu Madaxweynuhu qodobkan ku bilaabay wuxuuna hoosta ka xarriiqay inuu hore usii wadayo wada hadaladii ubilaabmay Maamulka Soomaliland iyo Dawladdii hore. Wuxuuna qodobkan kusoo afmeeray in loo bahanyahay in lasaxo wixii khaldamay midnimo buuxdana la helo oo ku taagan tiirar adag, si’aanay dib ugu soo noqon haddii tabasho danbe timaddo waannu go’aynaa

6)      Xidhiidha Caalamaka iyo Kaalmada Caalamka:- Ma jiro dal burbur ku yimid oo keligii dib isu dhis isku sameeyey. Dhammaan tariikhda Caalamka waddamadii burburku ku yimid waxaa usoo gurmaday caalmka kale si looga samata bixiyo  burburkaa ku habsaday. Soomaaliyana dalalka adduunka ayay ka mid tahay kamana maaranto kaalmada caalamka ayuu yidhi Madaxweynuhu. Wuxuu kaloo intaa raaciyey Madaxweynuhu Soomaaliya ma doonayso inay ahaato weligeed  dal baahan oo loo yabooho, laakiin taa bedelkeeda wuxuu xusay in ay Soomaaliya ka qayb qaadanayso samato bixinta dalalka kale mustaqbalka, hase yeeshee waxa lagama maarmaan ah in Soomaaliya maanta ubaahan tahay kaalmada caalamka si ay cagaheeda isugu taagto.

Goor dhow Taleex Media ka filo Maqal iyo Muuqaal siday udhacday munaasabaddii caleemo saarku (Stay tuned)