Xafladdii Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee JFS iyo sagootinta Madaxweynihii hore oo ka socota Xamar.
Waxa ka socda Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee Magaalada Xamar xafladdii caleemo-saarka Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, iyo xil-wareejinta Madaxweynihii hore ee Dawladdii Federaalka kumeel-gaadhka ahayd Mudane Shariif Sh. Axmed.
Xafladdan waxaa kasoo qayb galay wufuud ka kala socota Maamullada Soomaaliya ka jira, Geeska Afrika, Gobolka iyo Caalamkaba. Wufuudda timid waxa ka mid ahaa Raysalwasaaraha cusub ee Ethiopia, Madaxweynaha Jabuuti, Weftiyo ka socda Uganda, Burundi, Kanya, Sudan, Qatar, Turkiga iyo wafuud ka socota Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo Waddamada reer Galbeedkaba.
Wufuuddii ka socotay Caalamka ayaa khudbado kala duwan kasoo jeediyey Goobtaasi. Ilaa iyo haddana wufuudda caalamaka ee halkaa ka khudbadeeyey waxa ka mid ah, Ku xigeennada Raisal wazaarayaasha dalalka, Uganda, Turkiga, iyo Wakiil ka socday dalka Qatar, la taliyaha Madaxweynaha Sudan, iyo Wakiil ka socday ururka Jaamaccadda Carabta.
Xafladdani oo weli socota wixii warar ah ee kasoo kordha kal soco Taleex Media.













