Published On: 18 September 2012 3:38 pm

Hooyo Xaawo oo ku guulaysatay Abaal Marin Caalami ah ee sannaka “2012 Nansen Refugee Award”

Geneva, Hay’adda Qaxootiga waxay shaacisay maanta oo talaada ah in Hooyo Xaawa Aadan oo ah hooyo Soomaaliyeed ay ku guulaysatay abaal marin caalami ah  ee loo yaqaanno “Nansen Refugee Award”  oo Ha’yaddu bixiso sannakii qof ka loo aqoonsado inuu ugu waxqabad badan yahay. Abaal marintan waxaa mutaysta qof Hay’addu ugarato inuu qabtay shaqo wax ku ool ah oo addunka looga aqoonsaday. Hooyo Xaawo waxay ku mutaysatay “shaqadeeda Wanaagsan ee xad dhaafka ah ee aan daalka lahayn, iyo koruqaadista iyo dhiirri gelinta ay usamayso gabdhaha qaxootiga ah iyo haweenka Soomaaliyeed ee soo barakacay” ayay Hay’addu tidhi.

Afhayeenka hay’adda UNHCR Melissa Fleming  waxay xustay in Hooyo Xaawo oo ay tidhi iyada lafteedu qaxooti ayay ahaan jirtay haddana madax ka ah Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo ee Nabadda iyo Horumarinta (Galkayo Education Centre for Peace and Development)  “Hooyo Xaawo waxay qabatay hawl  la yaab leh oo muhiim ah iyadoo ku shaqaynaysay duruuf aad uqallafsan iyo caqabado adadag, waxay ku dhex shaqaynayasey waddan ay la degeen 20 neeyo sannadadood oo colaado, khilaaf iyo xadgudubyo xuquuqul insaan” sidaa waxaa tidhi Afhayeenka UNHCR.

Abaal marintan waxaa la’aasaasay sannadkii 1954 si kor loogu qaado aragtida Bulshada Caalamka ee ku aaddan Qaxootiga iyo in lagu sharfo laguna xusuusto Madaxii ugu horreeyey ee hay’adda UNHCR Fridtjof  Nansen. Ilaa imminka waxa abaal marintaa la siiyey 68 qof ama urur oo loo aqoonsaday waxqabadkooda.

Madaxa hay’adda Qaxootiga Caalamiga  António Guterres  oo  ka hadlaya abaalmarinta Hooyo Xaawo wuxuu yidhi “ Markay hooyo Xaawo Adan Maxamed samatabixiso gabadh soo barakacday wax [qof] bay noolaysay” isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Maanta waxaannu salaam sharaf siinaynaa Xaawo shaqadeedii ahayd  inay badbaadiso, koriso waxna barto boqollaal gabdhood iyo haween oo badankoodu ahaayeen dhibbanayaal noocyada ugu xun ee xadgudub”.

Waxay hay’addu qirtay in Hooyo Xaawo oo Gaalkacyo looga yaqaanno “Mamma Xaawa” badbaadisay ayna abuurtay meel haweenka iyo gabdhaha soo bara kacay oo ah dhibbanayaal xumaano faro badan iyo xadgudub joogta ahna ehel u ah, ay ka helaan amni, fursad iyo hooy ama gabbaad. Waxa sal u ah shaqada xaawo aamminaadda ay aaminsantahay in tacliintu tahay furaha wax kasta khaasatan dumarka.

 

Hooyo Xaawoo ka hadlaysa muhiimmadda tacliintu waxay tidhi “Waxaan uhaystaa tacliin la’aantu waa cudur ka mid ah cudurrada” Waxay intaasi raacisay “tacliin la’aan waxba makala ogid…..qof aan tacliin lahayni waa qof aan jirin- haa, muuqaal ahaan waad joogtaa laakiin maskaxiyan iyo dareen ahaan ma jirtid” sidaa waxaa tidhi Hooyo Xaawo.

Xaruntan Hooyo Xaawo waxay laga bixiyaa tacliinta dugsiyada sare iyo barashada  xirfadaha  kala duwan, si gabdhaha iyo haweenku naftooda udebberaan, iyo sidoo kale siday  haweenku mustaqbalkooda ujaangooyn lahaayeen doorkoodana uga qaadan lahaayeen bulshada. Xaawo arrinta ka hadlaysaa waxay tidhi “waxa lasoo gaadhay waqtigii la beddeli lahaa dhaqanka [dhaqankii hore ee ku aaddanaa haweenka]. Waxaan ubaahannahay inaan wixii wanaagsanna aan ilaashanno [dhaqanka] wixii xunna ka guurno. Waxa wanaagsani waxa weeye in haweenka la xoojiyo” sidan waxaa tidhi hooyo Xaawo.

Hooyo Xaawo waxaa intaa udheer inay u ololayso xaquuqda haweenka, khaasatan gudniinka Fircooniga. Waxay kaloo Xaawo ka caawisaa haweenka xagga talo siinta gabdhaha la guday iyo dumarka ay la soo deristo gacan ka hadalka ka dhanka ah haweenku. Sannad walba ilaa 180 haween ah ayaa ka faa’iidaysta hawlahan Xaawo qaar bandanna way ku badbaadaan.

Hawshan Xaawo waxaa bogaadisay ergeyga gaarka Qaramada Midoobay uqaabbilsan UNHCR l  Angelina Jolie waxayna tidhi “ Xaawa Aadan waa haweeney geesiyad ah. Waxay nafteeda uhurtay si ay uhorumariso tacliinta iyo nolosha Haweenka Soomaaliyeed ee barokacayaasha ah iyo gabdhahaba, waxay bartaa xirfado, cilmi iyo aragtida ay ubaahan yihiin si ay abuurtaan mustaqbal wanaagsan oo anfaca qoyskooda iyo qarankoodaba”.

Ugu danbayntii taleex Media waxay uhambalyayneysaa Hooyo Xaawo Adan guusha taariikhiga ah e ay gaadhey taasoo aan ku koobnaynayn iyada keliya e ay tahay guul ay usoo hooysay Soomaaloo dhan. Hawenka Soomaaliyeedna waxaannu ugu baqaynaa inay sidaa Hooyo Xaawo oo kale udadaallaan  “dadaalaa waa gaadhaa”.

 

Source: UNHCR