SHIR JARAAID: WASIIRKA ARRIMAHA DIBADA EE KENYA SAM ONGERI oo beeniyey war laga fidiyey 18 09 2012
Wasiirka Arrimaha debedda Kenya wuxuu sheegay inaanay waxba ka jirin wararaka sheegaya inuu bixiyey war ka dhan ah in Madaxweynihii hore ee Soomaaliaya Sheuikh Shariif, warkaasoo la sheegay inuu wasiirku yidhi Qaraxii ka dhacay Hotel Jaziira 12/09/12 ee lala beegsaday Madaxweynaha Soomaaliya iyo weftigii uu hoggaaminayey wasiirku waxa ku lug lahaa Madaxweyne Shariif.
Wasiirku wuxuu sheegay in ujeeddada safarkoodu ahaa inay ka gaadhsiiyaan farriin uu ka waday Madaxweynaha Kenya taasoo ahayd inuu ujeediyo farriin hambalyo ah Soomaaliya iyo Madaxweynahooda cusub.
Wuxuu Wasiirku sheegay in warbixintan ay daabaceen weriyeyaal qayru-mas’uul ah. Wasiirku wuxuu sheegay in xitaa sawirka ay u isticmaaleen qoraalkoodu uu ahaa sawir layga qaaday markaan Muqdisho kazoo laabtay ee aan kazoo degey Wilson Airport (Nairobi), halka ayka sheegayaan inaan joogay degaankaan kazoo jeedo ee Kisii, halkaasoo aan ku warramay. Hoos ka daawo warbixintaasoo dhammaystiran










