Qaraxyadii ka dhacay Xamar Daawo: (Digniin Caruurta iyo dadka nugul haka digtoonaadaan)
(Xamar 20/09/12)Waxa galabta ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu laba qarax oo ay geeysteen dad la sheegay inay ismiidaamiyeen. Qaraxyadani waxay ka dhaceen agagaarka guriga hooyooyinka makhaayad ku taalla oo dad badi markaasi ku sugnaayeen. Tirada dhimashada ayaa lagu soo warramayaa inay gaadhayso ilaa 15 marxuum, waxa ku laxaad waayey dad intaasi ka tiro badan. Hoos ka daawo muuqaalkani darxumada leh
Waxaannu uga digaynaa carruurta iyo dadka kalee nugul inaanay daawan muuqaalkan oo ay adag tahay inay xammili karaan.













