Wefti ka kooban Midowga Yurub oo uu hoggaaminayey Wakiilka Cusub ee EU (Michele Cervone ) ee Soomaaliya ayaa Puntland Booqday
Wefti uu hoggaaminayo Wakiilka cusub ee Midowga Yurub uqaabbilsan Soomaaliya Mr. Michele Cervone ayaa maanta booqday Caasimadda dawladda Puntland ee Soomaaliyeed ee Garoowe. Waftigan oo ujeeddadiisu ahayd is barasho iyo isxogwaraysi, ayaa waxay kulan la qaateen madaxda Maamulka Puntland sida Madaxweynaha, Madaxweyne Xigeenka iyo golaha Wasiirada.
Waxa markii kulankaasi dhammaaday saxaafadda la hadlay Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Faroole, isagoo ka warbixiyey in kulankani ahaa mid muhiim ah, maaddaama Soomaaliya gashay marxalad cusub waxa lagama maarmaan ah in layska kaashado sidii looga wada shaqayn lahaa si wada jir ah Soomaaliya loogu horumarin lahaa iyadoo laga faa’iidaysanayo marxaladdan cusub oo rajada leh. Waxa kaloo Madaxwweynuhu sheegay inay laysla soo qaaday sidii Mashaariicdii ka socotay degaannada Puntland ee ay wadeen loosii xoojin lahaa loona labanlaabi lahaa.
Wakiilka Midowga Yurub Michele Cervone ayaa isna dhinaciisa uga mahadceliyey Maaulka Puntland horumarka iyo amniga ay ku tallabsatay, wuxuu kaloo ku ammaanay kaalaintay Puntland ka qaadatay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan kaalintay ka qaadatay dhammaystirka xilliga kala guurka si Soomaaliya uhesho Dawlad dhammaystiran oo rasmi ah. Wuxuu kaloo ku bogaadiyey inay dadaalkeedaa sii waddo si Soomaaliya ay uga faa’iidaysato fursaddan cusub iyo rajadan fiican ee la hiigsanayo in Soomaaliya ay dhibka kaga baxdo.
Wakiilka Midowga Yurub ayaa ugu danbayntii ballanqaaday inay Midowga Yurub (EU) sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan ay labanlaabi doonaan mashaariicday ka wadeen degaannada Puntland.













