Published On: 24 September 2012 5:15 pm

Xisbul Islaam oo ka baxay Al-Shabaab

  • Al-Shabaab

Xisbul Islaam oo horey qeyb uga ahaa ururka Al-Shabaab ayaa haatan sheegay in uu ka baxay ururkaasi.

Afhayeen u hadlay Xisbul Islaam ayaa BBC u sheegay in maanta laga billaabo aanay qeyb ka ahayn Al-Shabaab.

Waxaa laga yaabaa in Xisbul Islaam uu wadahadallo la galo dowladda Soomaaliya.

Ururka Xisbul Islaam waxaa horey u hogaaminayay Sheekh Xasan Dahir Aweys, waxayna ku biireen Al-Shabaab dabayqadii sanadkii 2010.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa Al-Shabaab ka saarey magaalada Muqdisho iyo dhowr magaalo oo kale. Haatan waxaa Soomaaliya ku sugan dhowr ciidan oo Afrikaan ah oo ka qeyb-qaadanayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa haatan ku sugan meel 50 kilometer u jirta magaalada Kismaayo.

 

Source: BBC Somali