Published On: 25 September 2012 2:37 pm

Dhacdo ugub: Garaad Gate! (Daawo oo dhegeyso)

Reer Xamarku waxay ku maahmaahaan “Cimrigaagoo dheeraada Geel Dhalaayaas ku tusaa” . Waxaan warbaahinta ku arki jirey ama aad ku arkaysaa meel kasta adduunka aad ka joogtid Saxafi ama weriye codbaahiyaha hoos dhigay qof Mas’uul ah ama caan ah oo dabadeedna Saxaafadda soogeliya isagoo markaa u’arkaya inay tahay arrin xiiso uleh bulshadu inay ogaato.

Waxase ummadda Soomaliyeed fajaciso ku noqotay markay arkeen/maqleen nin wata Magaca “Garaad” oo metela Jifi/Raas ka mid ah qoysaska Soomaaliyeed (waa reerka layidhaahdo Bahararsame oo ka mid ah Dhulbahantaha) oo soo duubay is waraysi dhexmaray isaga iyo Guddi Qaran oo weliba “Haween” ka mid ahaayeen dabadeedna Saxaafadda kusoo bandhigay.

(Cajladdii Garaadku duubay (Garaad Gate)

Haddaba waxa la yaab leh waxa Garaadka ku kallifay inuu ubadheedho fadeexadda intaa leeg.  Sida aad ka warqabtaan mudanayaashii Baarlamanka Soomaaliyeed waxa loo qaybsaday Beelo-Beelo iyo Raas-Raas, Garaad Jaamac waa Garaadka Bahararsame wuxuuna xubintii raaskiisa (Bahararsame) iyo Barkad ka dhexeysey maalintii koowaadba ku tisay Cali Khaliif, waxa xusid mudan in Garaadkii Barkad ka maqnaa Xamar wax wada tashi ahna aanu Garaad Jaamac kala samayn. Waxa kaloo xusid mudan in Jabhaddii Khaliif (Khaatumo) golahoodii fulinta ee tarmi jirey G6 G9 G10 imminkana la sheego  inuu yahay G11! ay hore go’aan ugu gaadheen inay ku heshiiyeen inaanay iyagu ka qayb gelin Xubnaha Baarlamaanka Dhulbahante (Aa la tahay inay heshiiyeen!).

Go’aankan wuxuu  jabay markii Cali Khaliif Garaadkiisu ugu hormariyey Xubnihii Baarlamaanka Dhulbahante! Go’aankani qolada kale ee G11 mabay fahmine Cali Khaliif ma qabanayn waayo isagu waa Mulkiilaha mashruuca sidaa daraaddeed sharciyada Mashruuca isagu wuu ka sarreeyaa! isagaana dejiya! Arrintan waxay fajaciso ku noqotay koox Xamar utagtay inay ku luglahaadaan katalo bixinta Xubnaha Baarlamaanka Dhulbahante oo ay ka mid ahayeen rag ka tirsan G11. sida Saleebaan cabdi Moddobe iyo Jaamac Juxa. markay ogaadeen in Cali Khaliif ka sarreeyo Sharciga Khaatumo (sharciguna yahay isaga laftiisa waa Cali Khaliife Dr. Cuckoo) ayay halhaleen xamar uga soo baxeen!

 Codkii oo dhan Garaad Gate! Dhegeyso AMA HALKAN 

Garaad Gate!

Haddaan dib ugu noqdo codadka/muuqaallada uu Garaadku soo duubay warbaahintana soo geliyey, marhaddaynu sheegnay inuu Cali Khaliif usoo xulay xubintii Bahararsame iyo Barkad ka dhexeysey , muxuu doonayey Garaadku oo guddiga Qaranka (Technical Selection Committee) ee kala shaandhaynta xildhibaannada nafta isugu keenay. Su’aashani jawaabtateedu waxa weeye, Garaadku wuxuu rabey inuu reero kale oo Dhulbahante ah oo raaskiisa ka dad iyo degaanba ballaadhan uu isagu usoo xulo xubnahooda Baarlamaanka waa dadka dega degaanka Gobolka Cayn.  Taleex Media horay usoo bandhigtay damaaciga indhaha la’a ee Garaadka iyo rag raaskiisa ka mid ahi ay ka dhexwadaan dadka degaanka SSC . Halkan Riix warbixintaas oo cinwaankeedu ahaa farqiga degaanka iyo fidmada qarsoon—.

Nin baa laga hayaa “annigu ku sheegi maayee camalkaagu yaanu ku sheegin

Editor: Taleex Media

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. qarandoon says:

    WAR WALI RAGII DHULABNATE CAYDIISA LAGU BIILI JIRAY MA CIDBAA KA NOOL WAXAAN LEEYAHY HULBAHANTE CAYDIISA WATAAD EEDEENE MIYAEYDAAN WALI WAANA QAADAN OO AY DAAN KU WAANA QAADAN KUWEE HORE MEESHAY MAREEN IYO HABAARKII DHULBAHANTE OO KA SOO IF BAXAY WAXAAD OGATAAN INAAD INDUNKUNA AAD MARAYSAAN KU WII HORE MEESHAY MAREEN HADAYDAAN DHULBAHANTE CAYDIISA ISKA DEYN IYO XASRADA AAD DHULBAHNTE DHEXDIISA KAWATAAN LACAGTA AAD KU QAADATAAN CAYDA DHULBANTE CADIISAA WALEL WAA EEDAYSAANE WAANA IDAN AQAANAA OO REERA KAALAAD U SHAQAYSAAN WAXAAN LEEYAHY ILAHAY XAQA HADANI TUSO PUNTLAND MEEL IDINGEEYN MEEYSO