Published On: 25 September 2012 1:17 pm

Tobankii Arday ee degaannada SSC ugu sarreysey oo Jabhaddii Cali Khaliif (Kaatumo-Seeg) iibsadeen Deeqdoodii waxbarasho

(Allboocame) Tobonkii Arday ee Helay Deeqda Waxbarasho ee Maamulka Degmada Taleex (khaatumo) ayaa waxaa laga musuq maasuqay Deeqdii Waxbarasho .iyadoo uu Maamulka Khaatumo bawal u ballan qaaday inay Dhoofin doonaan deeqna ay heleen 10 kaas arday.

Tobonkan 10kan arday ayaa ahaa kuwii ugu sareeyey ee Imtixaankii Dugsiga Sare lagaga Baasayey ,Waxaana ardaydu ka kala timi Deegaano kala gadisan khaasatan Degmooyinka Gobolada SSC .

Shabakada allboocame oo diiradada ku haysa Dhaliisha khaatumo soona Mandhigta waxyaabaha ugu waaweyn todobaadkaas uguna daran ayaa in muddo ahba u kuurgalaysay ardaydan oo la sheegay in waxbarashadoodii qaar ka mid ah Madaxda Khaatumo ay is daba mariyeen una isticmaaleen wajiyo kale.

Waxaana fadeexadii ugu waynayd dhacday markii laga warhelay in 10 arday oo kale la geeyey Muqdisho ardaydii oo wali sugaysa wax u yeedha ,ama wax qaada oo Muqdisho geeya ayaa ka warhelay in 10 tobankale lagu badalay ayna joogaan Muqdisho.

Waxaana laga war helay kolkii Magaalada Muqisho laga dajiyey 10 arday oo kale oo aan ahayn Tobankii arday ee ugu sareeyey .

Waxaana la xaqiijiyey in 10tobankani la geeyey Muqdisho aanay xitaa Imticaan galin.

Arintan ayaa waxay ku noqotay Fajac iyo Amakaab Waalidiinta dhashay 10 kii arday ee ugu sareeyey iyo ardaydii Imtixaanka gashay ,Waxay kaloo la noqon wayday waxaan macquul noqon karin Tobankii arday laftigeeda.

Waxayna Waalidiintii markay maqleen ama loo sheegay markiiba ka daba direen Ardaydii 10ka ahayd iyagoo sidoo kale Dacwad u gudbiyey Masuuliyiinta ku sugan Muqidho.

Mid ka mid ah Waalidiinta ardaydan Dhashay ayaa allboocame u xaqiijiyey inay Dhibaatooyin badan kala kulmeen safarkii wiil uu dhlay oo uu geeyey Muqdisho,wuxuuna ka shan qadhiyey inaanu awoodiba karin inuu Wiilkiisii Muqidho u diro . wuxuu kaloo soo qaaday safar dhulka ah oo qatar badan inuu sii maray si uu u helo waxbarashadiisii laga musuq maasuqay Hase ahaatee wuxuu sheegay in markii danbe uu Muqdisho ku gaadhay si dhib ah .

Waxaan kaloo xidhiidh la samaynay Mid ka mid ah Ardayda la musuq maasuqay oo xaqiijiyey inaanu marna filaynin arintan hase ahaatee ay hada soo gaadheen Caasimada Muqdisho,wuxuu kaloo cadeeyey inay joogaan 10kii hore loo soo qaaday ee laga soo gaday boosaskayaga waa sidii hadalka u dhigaye ,wuxuu kaloo cadeeyey inay yimaadeen 10kii arday ee xaqa u lahaa deeqda waxbarasho.

Wuxuuna Ardaygu ku tilmaanay mid ay Masuuliyeeda iska lahaayeen niman masuuliiin ah oo aanay ka filayn.

isagoo ka gaabsaday inuu carrabaabo ardaygu Nimanka Musuq maasuqa ku sameeyey .
Wuxuuna ardaygu Rajo wanaagsan ka muujiyey inay hadda wax helayaan Maadama dadkii oo dhan ogaadeen inay yihiin 10 tobankan lawo kuwa Feeg ah oo aan waxba ka jirin.

Wuxuu Ardaygu amaan u jeediyey Cabdikariin Wasiirkii hore ee Saxaafada Dawlada Fadaraaliga ah iyo sidoo kale Masuuliyiin kale oo shaaca ka qaaday inay hawhsa ku jiraan ayna marinayaan meel Wanaagsan wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in banaanka loo soo tuuri doono 10kii arday ee Boosaskayaga laga soo gaday.

Arintan ayaa waxay Fadeexad ku tahay Waaxda Waxbarasha ee Khaatumo waana 10 kii arday ee ugu horeeyey ee ku helaan deeq waxbarasho iyagoo lagu eedaynayo inay gateen Qaar ka mid ah Masuuliyinta Khaatumo .waxaana jira Fadeexado kale oo ku saabsan arimaha waxbarashada ee Maamulka Khaatumo oo ay hadeer shabakadu ka gaabsanayo.

Maagaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda kuwada sugan 20 labaatankii arday ee laga soo qaaday Deegaanka iyadoo Qaarna laga soo gatay qaarna ahaayeen kuwii Xaqa u lahaa.
kala soco allboocame.com warar xaqiiqo ah .
allboocame@gmail.com
boocame_usa@hotmail.com