Published On: 28 September 2012 11:37 am

Xog cusub:Kismaayo oo lagala wareegay gacankuhayntii Shabaabka

Nin uhadlay ciidanka Kenya oo magaciisa la yidhahdo Cyrus Oguna (KDF Information Officer)  ayaa xaqiijay inay gudaha ugaleen  magaalada Kismaayo. Hawlgalkan waxa si wada jir ah ufuliyey ciidanka Kenya oo ay weheliyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed. Kismaaayo waxay ahayd xarunta ugu weyn ee ku hadhsanayd gacanta Al-Shabaab. Ninkani wuxuu sheegay inay ciidamada Kenya galeen magalada Kismayu markay saacaddu ahayd labadii aroornimo (02:00am), wuxuu afhayeenkaasi usheegay dadka degaanka Kismaayo inay is dejiyaan kana fogaadaan meelaha ciidamadu  hawlgalada ka fulinayaan, si aanay udhicin khasaare aan lagu talo gelin. Mr. Cyrus Oguna wuxuu sheegay inaanay haba yaraatee wax khasaare ah la kulmin ciidankooda.

 

Sheekh Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha Guutada Raas Kaambooni ayaa maalintii Khamiisata usheegay saxaafadda in halwgalka Kismaayo uu si dhakso ah udhici doono (final push to take the city was imminent). Wuxuu intaasi raaciyey inay ku jiraan ciidamadu diyaar garowgii ugu danbeeyey ee ay kula wareegi lhaayeen Kismayo. “Waxaan filaynaa inay magaalalada Kismaayo ay gacantayada soo geli doonto asbuuca soo socda gudihiisa haddii Alle idmo” sidaa waxa yidhi Sheekh Axmed Madoobe khamiistii shalayto.

Waxa muuqata in ay Kismayo ka baxday gacantii Shabaabka si ka sahlan siduu saadaalinayey Sheekh Axmed Madoobe, iyo weliba muddo ka kooban muddaduu saadalinayey, iyadoon ilaa iyo imminka inta la’ogyahay aanay wax khasaare ahi soo gaadhin ciidamada huwanta ah ee Kenya iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed.