Published On: 29 September 2012 7:17 pm

Dibinbaabyadii Khaatumo iyo Demmanaanta reer Taleex.

Tan iyo markii ay ka bilaabantay degaannada SSC  dabaysha xamaasadaysan ee aan xikmadda kudhisnayn xeeladduna udheertahay ee Khaatumo, waxa dadka ku abtirsada degaannaddaasi ku jireen walaac iyo walaahoow. Waxay ukala qaybsameen dad u arkayey in rajadii midnimada ee dadka SSC ay unkamayso (waa dadka aan hore waxba uga ogeyn ama ula socon xaqaa’iqa jira). Qolo kalena waxay qabeen in dhibaatadii hore ujirtay mid kale lagusoo kordhinayo midnimadaiina  sii laalmayso, iyagoo u’aanaynaya dadka Mashruuca Khaatumo dabada ka riixaya oo hore ugu caanbaxay Khiyaamo, Danaysi iyo Dibindaabyo “Hal xaaraan ahi nirig xalaala ma dhasho”. Waxase dad badan waa ku baryey markii xooggii, xisaabtii iyo xamaasaddiiba Xamar loo xawawariyey. Markii xorayntii la illaaway xooggiina la saaray Xil loo raadiyo Cali Khaliif!

Xeeladdan cusub ee qoladan dibindaabyada ku caanbaxday ay la yimaaddeen waxa ugu weyneyd iyagoo iska soo hormariyey odayo Xushmad loo hayey oo aqoonyahnno ah oo aan hore xumaan loogu baran sida Dr. Cali Ciise Cabdi oo aad loogu hanweynaa (La mood noqonse waa). Qolada hawshan dabada ka riixaysey waxaa budhtuure u ahaa Dr. Cali Khaliif (Halkan Riix oo daawo Dr. Cuckoo1)

Qormadan waxaan si kooban ugaga faalloonaynaa bal dadka degaanka Taleex  khasaare iyo faa’iido waxa usoo kordhay laga soo bilaabo abaabulkii Mashruuca Cali Khaliif iyo maantadan aynu joogno.

Aan ku bilaabee sidee bay ahayd xaaladda dadka reer Taleex ka hor Mashruucan;

  • Dadka reer Taleex waxay ahaayeen dad aad isugu xidhan oo iska warhaya. Waxay si isdaba joog ah ulahaan jireen is-xogwaraysi  ka dhexeyn jirey dadka gudaha iyo kuwooda qurbaha. Ugu yaraan bishii mar ama labo ayay qabsanjireen Shir Telefoon.
  • Muddadii burburku jirey waxay hirgeliyeen Mashruuc Waxbarasho oo tayadiisu aad usarrayso.
  • Waxay tiraba laba jeer dayactireen dugsiyadii hoose ee Taleex oo dayacmay
  • Waxay ku guulaysteen inay markii koowaad dhisaan dhisme cusub oo Dugsi Sare ah oo ka kooban 8 qol.
  • Waxaa Dugsigaa sare galay oo dhammaystay dufcaddii ugu horreysey ee lagu bilaabay dugsiga hoose ee Taleex burburka ka dib.
  • Dugsigaa hoose wax ka baranjirey Khaatumo ka hor tiro kor udhaafaysa 500 oo arday, mushaharkoodana waxa bixin jirey qurbojoogtoo isku duuban. Waxa kaloo gunno kabis ah ay ka heli jireen Maamulka Puntland.
  • Dadka reer Taleex waxa ilaahay ku guuleeyey inaanay dhexdooda dhiig iska daadin Khaatumo ka hor.

Sawirradan hoose waxaad ka arki doontaan Dugsiga Hoose ee Taleex isagoo dayacan, iyo isagoo la dayac tiray, iyo iyadoo ay ardaydu dhex fadhiyan labada jeerba!

 

Su’aasha murugada lihi waxa weeye yaa dayac tirkaa sameeyey? Xaggeese ku danbeeyey Halyeygii fuliyey dayactirkaas gacantana ku hayey inuu sii kordhiyo oo ku daro Musqulo, Garoon lagu ciyaaro (Play Ground) Berkedo, Qolka Cilmi-Kaydinta/Maktabad (Library) Qol tamareed (Koronto) iyo qolka cilmi baadhista iyo Farsamada Sayniska (Laboratory)?

Dibudhiskan waxaa fuliyey Alle ha unaxariistee Marxuum Jaamac Cali-Shire. Waxaana si wadaraysan loogu dilay dabayaaqadii Desember 2011 isagoo usocda inuu dhammaystiro hawshuu wadey ee samafalka ahayd. Waxaa loo soo adeegsaday kuwuu udhisayey Iskuulka (Waxa xusuus mudan inay gacankudhiiglayaashu ahayeen kuwii dugsigaa Jaamac dhisayey dhiganayey/ama hore udhiganjirey!).

Marxuum Jaamac kharashka Dugsigaa ku baxay oo ahaa ilaa lacag kor udhaafaysa US $40,000 isagaa ballan qaaday  inuu hay’ado la kaashado qurbo joogtuna waxay ballan qaadeen inay bixiyaan inta soo hadhay oo ahayd ilaa US $ 7000. Waxa xusid mudan in Jaamac la dilay isagoo lacagtaa weli ka sugaya Qurbe joogta,. Weli layslama soo hadal qaadin lacagtaa  US $7000 ahayd sidii baana looga sugayaa Jaaliyaddu inay bixiso !

Arrinka labaad aan rabaa inaan udaadego waxa weeye waa sidee xaaladda Taleex kaddib unkankii “Mashruuca  Madaxnimoraadinta Cali Khaliif (Bal halkanna Riix Dr.Cuckoo2)

  • Waxa ugu danbeysey kulan ay kulmaan oo si wada jir ah ukala warqaatan dadka reer Taleex bilowgii Mashruuca Khaatumo.
  • Waxa xidhmay ama joogsaday dhaqaalihii dadka reer Taleex sida wada jirka ah ugu bixinjireen horumarka degaankooda
  • Waxa meesha ka baxay kalsoonidii iyo is aamminkii dadka walaalaha ah ee reer Taleex oo imminka aad maqlaysid Reer Hebel Cali iyo Reer Hebel Cali halkay awal ahayeen dhammaantood N. Axmed!
  • Waxa dhacday dilal qorshaysan oo iyaga laftooda laysu adeegsaday oo gaadhaya inta la’ogyahay ee cad 6 qof (5 Noor on Noor/ 1 Nalaye on Noor Shootings). Dilakaasi waxay ka kala dhaceen Taleex, Fallaydhyaale iyo Tukaraq.
  • Waxa dhaawac ah oo sababsaday  Mashruucan inta la ogyahay  dad gaadhaya ilaa 15 qof oo dhammantood ah dhaawacyo Xabbadeed.

Waxyaalaha kale la yaabka lihi waxa weeye waxa laga joojiyey degaanka  Taleex wax alle iyo wixii Mucaawino uga imaan lahaa Maamulka Puntland iyo Hay’adaha Caalmiga ah ama waddaniga ah ee ka hawlgala Puntland. Halka degaannada kale ee SSC ay danahooda gaarka ah wataan.

Bal aan eegno degaanka Cali Khaliif kasoo jeedo; Magaalada Kala baydh iyo degaanka Dan ee Kalabaydh hoos yimaadda waxa ka socda dhisme Laba Iskuul oo cusub oo ay Puntland ka hirgelinayso,  Halkan Riix Dugsiyo cusub oo laga dhisayo Kalabaydh iyo Dan. Degmada Buuhoodle waxa kasocda dayactir lagu samaynayo dhammaan goobaha waxbarashada ee Buuhoodle, halkan riix Dayactir ka socda goobaha waxbarashada Buuhoodle. Waxaa kaloo ka socda gunada shaqaale gaadhaya ilaa 500 oo qof oo isugu jira Macallimiin, shaqaale caafimaad, shaqaale dawlad hoose, ciidan amni IWM.  Degmada Boocame waxa ka socda dayactir dhismihii Mashruuca Boocame ee ka koobnaa dhawr iyo saddon qol. Halkan Riix  Dayactir ka socda Mashruuca Boocame.

Degaannadani waa Degaannaday ka kala yimaaddeen Cali Khaliif, Indhosheel, Biindhe, iyo Cali Maraykan oo Taleex ujooga inuu ka abaabulo Mudaharaadyada lagaga hortagayo Mucaawinooyinka Taleex imaan lahaa! Halka Kalabaydh Dhismaha 2 dugsi oo Puntland ka yimid uga socdaan. Macallimiinta iyo Shaqaalaha Caafimaadka ugu magacaabanina uga musahaharo qaataan. Halkan riix si aad u aragtid Cali Maraykan oo Mudaharaad Taleex ka abaabulaya!  Cali Maraykan Daawo.

Waxa tiroba laga horjoogsaday ilaa 5 Mashruuc inta Taleex Media ogtahay oo kala ahaa mid waxbarasho oo lagu kordhin lahaa goobaha waxbarashada ee Degmada Taleex, Mid dhisme iyo agab Caafimaad oo uu gadhwadeen ka haa Dr. Maxammed Xirsi Khaalid, mid dhisme Goobta dhalmada dumarka (Maternity Wing) oo UNICEF uwakiilatay hay’ad wadani ah, mashruuc mucaawino oo WFP waddey iyo ugu danbayntii Hay’adda Laanqayrta Cas ee Laascoonood oo dorraato laga horjoogsaday inay hawl ka fuliso Taleex. Dabcan hawlahan dibindaabyada waxa laga soo qorsheeyaa dhinaca Mulkiilayaasha Khaatumo, waxa abaabulka uxilsaaraan wakiilkooda kicinta iyo abaabulka Cali Maraykan, waxase nasiib darro ah waxa fuliya dad degaanka  Taleex udhashay oo indha la’.  Waxa ugu horreeya dadka Cali Maraykan adeegsado sida Taleex Media warka ku heshay nin reer Taleex ah oo la yidhi wuxuu ka tegey Yurub oo ahaan jirey kalkaaliye caafimaad (Nurse) oo magaciisa lagu sheegay Food Ciise Toohe. Nin kani falkii ugu danbeeyey ee uu fuliyey wuxuu ahaa in 27/09/12 inuu is hor taagey Koox hawl caafimaad waddey (Mobile Clinic Team) oo reer Taleex ah kana soo kicitimay Laascaanood oo uu soo diray Madaxa Laanqayrta Cas ee Laascaanood Mudane Axmed Aw-Maxamuud (Daakir).

Gebagebadii reer Taleexoow waxay ila tahay inaad imminka aragteen ama fahamteen sababihii loo Samaystay “Khaatumo” oo ahayd kursiga Cali Khaliif. Waxay ila tahay inaad aragteen ama fahamteen ka reer Taleex ahaan dhaawaca iyo dhiigga idiin gaarka ah ee idin kala gaadhey. Waxay ila tahay inaad aragteen hawlihiinnii Samafalka ahaa ee aad Taleex ka waddeen halkay ku danbeeyeen. Waxay ila tahay inaad aragteen Dugsiyada iyo daryeelka ka socda Kalabaydh iyo Dan, Boocame iyo Buuhoodle.

Taleex Media waxay kutalinaysaa reer Taleexoow:-

  • Bal dib isugu noqda kalana garta waxa dadka idinkala dhexeeya iyo waxaad gaar uleedihiin.
    • Bal dib isugu noqda oo si dhab ah uwajaha dhibka idinka dhexdiinna yaalla intaad isku mashquulinaysaan hawlo dad gaar ahi dano ka leeyihiin waxna aan laydinka weydiinayn
    • Bal dib isugu noqda oo xal waara ka gaadha dhiiggaga idinkala gaadahay iyo dhaawacyadaba.
    • Kii dhiig loo tirsanayoow gar qaado oo oggoloow inaad walaalkaa marsiisid xaqii Alle ujideeyey oo ah inaad usoo gacangeliso gacankudhiiglihii/gacan-kudhiiglayaashii una oggoloow inuu ka gaadho dulmanuhu xaqii Ilaahay siiyey (Inuu Qisaasto, Inuu Mag qaato iyo inuu samir/Sabur qaato intaaba isagaa ujidleh sidaasaana badbaadadu ku jirtaaye). Dhegeyso  

      Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

      oo ah qoyska laga dilay Marxuum Jaamac Calishire iyo Mubaarak Saalax Calishire oo caddaynaya inaan dhacdadii dilka is afgarad laga gaadhin garowshiiyona dalbana iyo in lagasoo garbaxo.

  • Kii dhiig laga galowna muuji Sabur iyo Tolnimo hana degdegin oo shaydaan yaanu ku halligin. Qof aad walaalo/tol tihiin oo aan denbi gelina xaq darro ha ka gelin.
  • Ugu danbayntiina bal si gaar ah u’eega idinkoo caqligiinna uxor ah; dadka reer Taleex midnimadiisii, iskukalsooniddiisii , wax wada qabsigisii, tolnimadiisii, horumarkisii miyuu sii kordhay tan iyo biloowgii Khaatumo mise god dheer bay ku dhacday?

Caano daatay dabadoodaa la qabtaaye is daba qabta ha la kala garqaato caqligana hala adeegsado waxy reer Taleex midnimadooda ku waayeen qoysna gaar uheli maayee. Dhulbahante waxba kuma kordhin kartid haddaad idinku kala qaybsantihiine.

Editorial: Taleex Media.

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. Maxames says:

    Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahey waxa wargeyska taleex media uu qore iyo wariyayasheeda.waxaana leeyahay halkiina ka wada waana mahadsantihiin all our brother that are the authors or writters for this.