Published On: 29 September 2012 1:00 pm

REER PUNTLAND: “QOFKII AN RUN SHEEGIN BEEN AYAA U QARSOON” (BY: Said Abdille Ali)

Posted by Pi on September 28th, 2012

Waxaa jira dad badan oo an ogeyn xaqiiqada Soomaaliya oo sidaas darteed lagu khaldi karo ama sokay ka soo mari kara. Waxaa sidoo kale jira dad badan oo an ogeyn doorka iyo muhimadda dowladda Puntland iyo dedaallada ay ilaa hadda ka geysatey sidii loo dhisi lahaa dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam “wadaag ah” (“federal system”). Waxaa jira dad badan oo u qabiil kaga dheggen yahay indhaha iyo dhegaha.

Waxaa ka mid ah kuwa had iyo goor Puntland ku ah mucaaradka, iyagoo u quuri la’ kana masayrsan horumarka iyo dowladnimada ay kaga duwan tahay gobollo badan oo dalka Soomaaliya intiisa kale ah.
Waxaa tusaale u ah kuwa qabiilku kaga dheggen yahay indhaha iyo dhegeha, kuwii oran jirey Puntland “yay ku imaan shirka magaca Puntland ee ha ku timaaddo beel beel”. Ma la socotaa inay jireen walina jiraan shaqsiyaad raba inay qabtaan xukunka dalka, iyagoo saas u fakaraya? Kuwaas iyo intii la mid ahi waa kuwa leh tilmaanta an kor ku soo sheegay. Puntland waxay ku tiri kuwaas walina ku leedahay Puntland dad baa dhistay adiga dartaana loo duminmaayo ee ma ka wada shaqaynnaa danaha guud oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed? Puntland waa ay ka maarantaa ciddii ka maaranta, cid kastoo rabta wanaag, dowlad-wanaag, wax-wadaag, sinnaan, caddaalad iyo inaynnu run iyo xisaabtan ku walaaloowno waa ay soo dhoweynaysaa.

Haddii la sii faahfaahiyo dadka u qabiilku kaga dheggan yahay indhaha iyo dhegaha:

  • Waxaa ka mid ah kuwa walaalaheen ee Ethiopia ogol oo taageersan maanta shalayna ku diiddanaa Puntland baa wadda ama u yeertay.
  • Waxaa ka mid ah kuwa shalay markii kursiga manta loo kala tartamayo la dhigayey madaxtooyada ku diidayey Puntland baa wadda.
  • Waxaa ka mid ah kuwa shalay eedaynayey siyaasiyiin iyo indheer garad Reer Puntland ah, markii ay ka digayeen khatarta ka imaan doonta, haddii dadka lagu khaldo diinta
  • Waxaa ka mid ah kuwa u diiddan Puntland, inay tiraahdo:

- “yaan laga bixin heshiiskii aynu galnay”,

- “an wax ku yeelanno talada iyo siyaasadda dalka Soomaaliya,

- “waa inaan ka helo saamigayaga iyo qaybtayada wixii deeqo ah oo layna siiyo, sida waxbarasho, dhaqaale.

  • Waxaa ka mid ah kuwa taageeraya masuul isagu diidey ama ka gaabiyey inuu la shaqeeyo Puntland, isagoo haya masuuliyad sare oo dowladda Federaalka Soomaaliya.
  • Waxaa kaloo ka mid ah kuwa aan eedayn dadkii dadka iyo dalka ka galay dembiyada ugu waaweyn oo kas ama kamma’ ugu raad-gadaya, isla markaasna doonaya inay eedeeyaan, cambaareeyaan ama takooraan Puntland iyo madaxdeeda, sida Faroolaa saas yiri, Faroolaa waxaas sameeyey, Faroolaa xagga maray iwm.
  • Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: qofkii an run sheegin been ayaa u qarsoon. Faroole dal ma inqilaabin, dad Soomaaliyeed ma xasuuqin, warshadihii dalka ma u furfuran oo ma iibgeyn, dad guryihiis/beerihiis ma haysto, diinteenna wanaagsanna hadba kaar uma xoqan oo kuma khayaanin kumana halaagin dad Soomaaliyeed oo muslimiin ah, iyagoo an lahayn wax dembi ah.
  • Akhristoow, qodobka kore miyuusan si cad u muujinayn, inayan eedaynta iyo xumaanta iyo dacaayadda intaas loo maleegayo Puntland iyo madaxdeedu ku dhisnayn run, xaq-doon, caddaalad iyo wanaag-doon ee u ku dhisan yahay isir/qabiil-necayb iwm, marba haddaan laga hadlayn lana eedaynayn ciddii gashay dembiyada ugu waaweyn.

    Waxaa ka mid ah kuwa had iyo goor Puntland ku ah mucaaradka, iyagoo u quuri la’ kana masayrsan horumarka iyo dowladnimada ay kaga duwan tahay gobollo badan oo dalka Soomaaliya intiisa kale ah.
    Waxaa tusaale u ah kuwa qabiilku kaga dheggen yahay indhaha iyo dhegeha, kuwii oran jirey Puntland “yay ku imaan shirka magaca Puntland ee ha ku timaaddo beel beel”. Ma la socotaa inay jireen walina jiraan shaqsiyaad raba inay qabtaan xukunka dalka, iyagoo saas u fakaraya? Kuwaas iyo intii la mid ahi waa kuwa leh tilmaanta an kor ku soo sheegay. Puntland waxay ku tiri kuwaas walina ku leedahay Puntland dad baa dhistay adiga dartaana loo duminmaayo ee ma ka wada shaqaynnaa danaha guud oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed? Puntland waa ay ka maarantaa ciddii ka maaranta, cid kastoo rabta wanaag, dowlad-wanaag, wax-wadaag, sinnaan, caddaalad iyo inaynnu run iyo xisaabtan ku walaaloowno waa ay soo dhoweynaysaa. 

    Haddii la sii faahfaahiyo dadka u qabiilku kaga dheggan yahay indhaha iyo dhegaha:

    • Waxaa ka mid ah kuwa walaalaheen ee Ethiopia ogol oo taageersan maanta shalayna ku diiddanaa Puntland baa wadda ama u yeertay.
    • Waxaa ka mid ah kuwa shalay markii kursiga manta loo kala tartamayo la dhigayey madaxtooyada ku diidayey Puntland baa wadda.
    • Waxaa ka mid ah kuwa shalay eedaynayey siyaasiyiin iyo indheer garad Reer Puntland ah, markii ay ka digayeen khatarta ka imaan doonta, haddii dadka lagu khaldo diinta
    • Waxaa ka mid ah kuwa u diiddan Puntland, inay tiraahdo:

    - “yaan laga bixin heshiiskii aynu galnay”,

    - “an wax ku yeelanno talada iyo siyaasadda dalka Soomaaliya,

    - “waa inaan ka helo saamigayaga iyo qaybtayada wixii deeqo ah oo layna siiyo, sida waxbarasho, dhaqaale.

    • Waxaa ka mid ah kuwa taageeraya masuul isagu diidey ama ka gaabiyey inuu la shaqeeyo Puntland, isagoo haya masuuliyad sare oo dowladda Federaalka Soomaaliya.
    • Waxaa kaloo ka mid ah kuwa aan eedayn dadkii dadka iyo dalka ka galay dembiyada ugu waaweyn oo kas ama kamma’ ugu raad-gadaya, isla markaasna doonaya inay eedeeyaan, cambaareeyaan ama takooraan Puntland iyo madaxdeeda, sida Faroolaa saas yiri, Faroolaa waxaas sameeyey, Faroolaa xagga maray iwm.
    • Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: qofkii an run sheegin been ayaa u qarsoon. Faroole dal ma inqilaabin, dad Soomaaliyeed ma xasuuqin, warshadihii dalka ma u furfuran oo ma iibgeyn, dad guryihiis/beerihiis ma haysto, diinteenna wanaagsanna hadba kaar uma xoqan oo kuma khayaanin kumana halaagin dad Soomaaliyeed oo muslimiin ah, iyagoo an lahayn wax dembi ah.
    • Akhristoow, qodobka kore miyuusan si cad u muujinayn, inayan eedaynta iyo xumaanta iyo dacaayadda intaas loo maleegayo Puntland iyo madaxdeedu ku dhisnayn run, xaq-doon, caddaalad iyo wanaag-doon ee u ku dhisan yahay isir/qabiil-necayb iwm, marba haddaan laga hadlayn lana eedaynayn ciddii gashay dembiyada ugu waaweyn. Ma la oran karaa, Soomaaliyi wali wixii hore u halaagey (qabyaalad iyo caddaalad darro) ayay jidkeedi haysaa.

    Puntland-diidka an ahayn Reer Puntland

    Walaalayaal, Puntland waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dalka Soomaaliya ee ha nebcaanina waligiin. Ha xaasidina hana ka nixina oo ha ka xumaannina nidaamka, nabadda iyo horumarka ka jira – illaa idinkuba intaad tagtaan baad wax kaga noolaan kartaane. Ogaada walaalayaal, inayan Puntland ahayn beel iyo qabiil ee tahay qayb muhiim ah oo dal weyn ah oo ay ka jiraan nidaam iyo dowladnimo, kaasoo ay ku nool yihiin boqollaal kun oo qof oo ka kala yimid gobollada kala duwan ee Soomaaliya, halkaasna ay ugu nool yihiin sida muwaaddiniinta kale oo walaalohood ah. Waxaa muuqata inay dad badan oo kala duwan oo leh dano iyo ujeeddooyin kala duwani ka qabaan wal-wal weyn dowladda cusub oo hadda u dhalatay Soomaaliya iyo sida ay u shaqayn doonto, iyadoo aad iyo aad loo dareemayo isxulufaysi ka dhan ah Reer Puntland, iyadoo lagu dedaalayo sidii looga hortago saamaynna loogu yeesho go’aanqaadashada, fikirka, aragtidiisa xaalka Soomaaliya, iyo siiba Raysal-Wasaaraha uu magacaabi doono qorshaha ay ku shaqayn doonto dowladda cusubi. Waxaa la tuhunsan yahay in xulufadu doonayso in xiriir xumo iyo wadashaqayn la’aan ka dhex abuuraan Dowladda Wadaagga ah oo cusub iyo Dowlad-Goboleedka Puntland, siiba aad ugu dedaalayaan inaan Raysul-Wasaaraha cusubi noqon Reer Puntland. Waxayse moogyihiin dadkaasi, in Reer Puntland ayan tartan kula jirin beelo iyo shaqsiyaad fadhi ku dirir ah oo deegaannadoodiiba wax ka tari waayey.

    Dadka Reer Punland oo wax dhalliilsan amaba ah mucaaradka

    Walaalayaal, aynu maamulkeenna, amnigeenna, horumarkeenna ilaashanno. Sababtoo ah baahidii aynnu shalay u dhisannay baynu wali u qabnaa. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan walaalaha Reer Puntland meel kastoo ay joogaan, inay si xasillooniyi ku jirto oo deggenaan leh, iyo walaaltinnimo uga wada shaqeeyaan midnimada iyo nabad-gelyada Puntland, oo wadahadal ku xalliyaan wixii khilaaf, tabasho iyo dhalliilo jira.

    Waxaan u soo jeedinayaa dhammaan madaxda dhaqanka, hoggaanka siyaasadda iyo dadweynahaba inay waxkastoo kaleba ka hormariyaan midnimada, isku duubnida iyo isku kalsoonida dadka walaalaha ah oo Reer Puntland, loona dhabar adaygo arrintaas oo an marna laga daalin, intay rabto ha qaadatee.

    Waxaa xaqiiqa ah oo ad wada ogtihiin in mar hore Puntland lagu qabsan lahaa: “jabhado ku dagaallamaya kaarar been ah iyo wiilal la soo duray oo isqarxinaya”, haddaynaan lahayn nidaam, kala dambayn iyo ciidan suga amniga iyo xasilloonida. Alle aynnu ku mahadinno siina horumarinno PL, waa ognahay dhibaatada ay fawdo iyo nidaam la’aani badeen walaaleheen badan. Waligeenna aynnu ogaanno oo maanka ku haynno: “ inaynnaan qof-qof isu ilaalin karin isumana horumarin Karin, ee aan wadajir iyo isku duubni kaliya isu horumarin karro isuna ilaalin karro”.

    Said Abdille Ali

    Academic police officer &

    Master of Arts (Education) in Educational Sociology.