Madaxweynaha JFS oo booqday Baydhabo halkaaana dadkii kula hadlay (Dhegeyso)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliyeed Jaalle Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta socdaal aan hore loo shaacin ku gaadhay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay. Socdaalkan waxa Madaxweynaha ku weheliyey Afhayeenka Golaha Shacabka Jaalle Maxammed Sheekh Cusmaan Jawaari. Madaxweynaha ayaa halkaa kula kulmay Mas’uuliyiin kala geddisan oo isugu jira kuwo Soomaaliyeed iyo kuwo ajaanib ahba.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha si heer sare ah ayaa halkaa loogu soo dhoweeyey, ugu danbayntiina wuxuu Madaxweynuhu la hadlay dadkii halkaa kusoo dhoweeyeey isagoo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa halkaa ka jeediyey. Haddaba halkan hoose ka dhegeyso khudbaddi Madaxweynaha oo laba qaybood ah. Khudbaddan waxaa soo duubay Radio Muqdisho.












