Published On: 2 October 2012 10:22 pm

Jidgooyo lagu rasaaseeyey wasiiro Puntland ah iyo wafdi Turki ah

(GAROWE ONLINE): Wafdi ka socday hayada horumarinta u qaabilsan Turkiga ‘’TIKA’’ iyo xubno wasiiro ah ayaa galabta 02 October,2012 maleeshiyo hubeysani ku rasaaseeyey inta u dhaxeysa Galkacayo iyo Bacaadweyn.

Ragan hubeysan oo isbaaro dhigtey tuulada Daarusalaam ayaa markii laga war helay waxa ku soo baxay ciidamo Galkacayo ka yimid oo kala direy ,waxana iyaga oo cabsi ka qaba in mar labaad loo yimaado ku beegmey wad la kulan wafdigan isugu jirey wasiirada iyo xubanaha heerka sare ee ka socdey Turkiga oo ay  u qaateen ciidamo hor le oo la dagaalamaya.

Kadib rasaas ay ku fureen kolonyada gaadiidka ah ayaa waxa dhaawac fududi soo gaarey agaasime goboleedka Geeska Afrika u qaabilsan TIKA Mr.Mustafa Hashim.waxana dhacdey in wafidga nabadgelyo uu ku gudbey kadibna ciidamadu u soo laabteen kala dirida maleeshiyaadkan.

Hal mid ayaa laga diley halna waa laga dhaawacey sidoo kalena rag gaaraya ilaa 8 ayaa nolol lagu soo qabtey,mana jirto ilaa iyo hadda cid og waxa ka danbeeyey dhacdadan iyo cidda ku lug leh.

Taliye xigeenka ciidanka booliska Puntland Gen.Muxaydiin Axmed Aw-muuse oo  saxaafada kula hadlay Galkacayo ayaa ka waramay hawlgalka ay qaadeen ciidamada amaanka Puntland oo lagu soo qabtey ragan qaarna dhaawaca lagu hayo.

Sidoo kale hal askari ayaa ka dhaawacmey ciidanka Puntland ,iyadoona uusan carabaabin cida falkan ka danbeysey balse ku ekeeyey inay dib ula soo socod siin doonaan saxaafada.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamuud Yuusuf Jaamac Tigey ayaa isna hadalo kooban ka soo jeediyey shir saxaafadeedka ,waxana uu sheegey in raga falkan geystey ay yihiin kuwo ka soo horjeeda horumarka iyo nabada Puntland.

‘’Waa kooxo burcad ah oo argagixiso ah oo dadka kala diriraya horumarka iyo nabada’’ ayuu yiri Tigey.

Dhacdadan ayuu sheegey gudoomiyuhu inaysan marnaba wax u dhimeen amni daradii uu ka soo kabtey gobolka Mudug ,isagoona dadweynaha ku booriyey inay hal meel ah uga soo wada jeestaan cida horumarkooda diidan.

‘’Cid loogu dulqaadanayo amaanka gobolka Mudug iyo Puntland ma dhacayso ‘’ ayuu raaciyey hadalkiisa gudoomiye Tigey oo balan qaadey inay ka daba tagi doonaan intii baxsatey.

Dhinac kale Dr.Saalax oo ah dhakhtarka daaweynayey Mr .Pulat ayaa ka warbixiyey dhaawaciisa ,waxana uu xusey in lugta hoosteeda xabadi kaga dhacdey oo lafo yar yar jebisey iyadoona haatan si fiican loo daaweyey uuna ku jiro qaybta nasashada.

Wafdigan ayaa Jimcadii ka soo degey Bossaso ,iyagoona Garowe shalay kula kulmey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole xalayna ka qaybgalay xaflad lagu sagootinayey ardey Turkiga deeqo waxbarasho ka heley.

 

Source: Garowe Online

Displaying 3 Comments
Have Your Say
  1. fadumo says:

    dadkaagaa dhinac karaac/

  2. fadumo says:

    waryaa adiga iyo xaartoosiye midkiina khatumo khayr mahelay saan ee xaarka cesho wax yar baa kuuhadhay dabaqoodhi good by

  3. fadumo says:

    wayaa caada qaate iska aka daa khatumo khayr ma gaadhi kartid nacasyohow huurada wayn