Dooddii Murashaxiinta Maraykanka 2012: US Presidential Debate 2012 (Daawo Video)
Halkan hoose waxaad ka daawan kartaan dooddii dhexmartay labada Murasahax ee utartamaya jagada Madaxwynanimada waddanka Maraykanka. Waxa caado ah waddanka Marayka in la dhexdhigo dood laga tebinayo warbaahinta oo loo soo bandhigo dadweynaha Maraykanka si ay u’ogaadaan qofka istaahila inay codkooda ku aamminaan si uu ufilyo waxyaalaha ay u arkaan muhiimamddooda. Doodaha la qabtaa waa afar doodood sida caadada ah saddex waxa foodda isdara labada Murashax ee u tartamaya xilka Madaxweynanimada. Doodda afraadna waxaa foodda isku dara labada Murashax ee u tartamaya jagada kuxigeennimda.
Dooddani oo ah dooddii koowaad ee sannadkan waxa lagu qabtay Denver (Colorado) Jaamacad ku taalla oo la yidhaahdo University of Denver. Dooddani waxay diiradda saaraysaa xagga dhaqaalaha. Waxa xusid mudan inay labada Murashax ka kala yimaaddaan dhaqan ahaan laba aragtiyood oo aad ukala duwan marka laga hadlayo xagga dhaqaalaha (Two different School of Thoughts), Madaxweyna Obama aragtidiisu waxay ku dhisantahay si loo maamulo dhaqaalaha si caddaalad ah oo isu dheelli tiran waa in xoogga la saaraa in si “xaq” loo cashuuraa dadka, taasoo ah in cashuurta lagu kordhiyo dadka tijaarta ah si lacag badani ugusoo xerooto khasnadda Dawladda, lacagtaasi oo lagu fuliyo arrimaha Bulshada (Public Servive Delivery) iyo in shaqo lagu abuuro dadka aan shaqayn si ay iyana cashuur bixiyaal unoqdaan mustaqbalka, kuwo aan waxba haysanna loogu daryeelo. Waa aragti ku salaysan inay dawladnimadu muhiim (Big Government) utahay inay ka shaqayso taakulanaynta iyo daryeelke tirada badan ee dadka (Utilitarianism).
Mitt Romney isaga arrigtida uu ka soo jeedaa arrinkaa lama dhacsana waxayna u arkaan in haddii cashuur badan lagu soo rogo tijaarta, in dadka tijaarta ahi ay raadsanayaan meelaha cashuurta jaban oo ula guurayaan shirkadahooda sidaa daraaddeedna taasi ay keeni karto in dadkii shirkadahaasi ushaqaynayey ay shaqo la’aani ku dhacdo sidaa daraaddeedna dhaqaale burbur imaanayo. Aragtidan danbe waxay ku salaysantahay in tijaarta la taageero oo loo sahlo cashuurta si tijaar badani u abuuranto kuwana ugusoo guuraan waddanka Maraykanka maaddaama ay iyaga yihiin kuwa shaqada abuurayaa, shaqadaasoo suurto gelinaysa in dad badani cashuur bixiyaan taasoo dhalaysa dhaqaale koboc (Libertarianism). Waxaa intaa udheer aragtida ah in dawladdu ay yarayso faro gelinta suuqa (Small Govenment), suuquna xor u’ahaado inuu isagu is wado (Free Market).
Dadka maraykanku badiyaaba waxay ka kala tirsantihiin xisbiyada Jamhuuriga iyo Demoqraadiga ee argtidooda dhaqaalaha aynu kor wax kaga taabbanay, waxse jira dad aan xisbiyada daacad u ahayn iyo qaar madaxbannaan oo markaasi ucodeeya qofkay ammintaasi u’arkaan inuu ka hadlayo waxa ay tebayaan. Muhiimmada ugu weyn ee doodahan oo kale waxa weeye in la kala jiito dadkaas aan weli go’aanka gaadhin.
Si kastaba ha’ahaatee aragtiyahan kala duwan ee ku kala salaysan in la daryeelo tirada badan ee baahan, iyo in la daryeelo tirada yar ee dhergsan si ay iyagu udaryeelaan kuwa aan waxba haysan waa arrimo dooddoodu weli taagantahay adduunkoo dhan. Hoos ka daawo haddaba dooddii koowaad ee labada murashax.












