Published On: 5 October 2012 12:46 pm

Soomaalida Maraykanka oo careysan


LewistonSoomaalida ayaa dibad-baxyo sameeyay

Duqa magaalada Lewiston oo ka mid ah gobolka Maine ee dalka Maryakanka, Robert Macdonald, ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay Soomaalida dhaqankooda meel iska dhigaan.

Soomaalida Maraykanka ayaa arrintaasi ka carooday, waxay dhigeen dibad-baxyo ay ugu soo hor jeedaan arrintaasi.

Robert McDonald, ayaa ereyada ka soo yeeray waxay u soo jiidaan cabashooyin kala duwan iyo in lagu tilmaamay in uu si gaar ah u bartilmaameedsaday bulshada Soomaalida.

Shir jaraa’id oo uu mar dambe qabtay ayuu ku dabciyay hadalkiisa balse ku adkaystay in loo baahan yahay in Soomaalidu ay bulshada dhexgalaan.

Soomaalida ku dhaqan Lewiston waxay gaarayaan ilaa toban kun, waxaana intooda badan ay halkaas degeen dhowr iyo toban sano ka hor.

Waxay muujiyeen cabasho xoog leh, iyagoo la kulmay Robert McDonald, una sheegay in uu ka laabto baaqiisa in Soomaalidu ay dhaqankooda albaabka ay ka soo galeen Maraykanka uga soo tagaan.

Jaamac Aadan Maxamed, oo ah ninka dhinaca isgaarsiinta u qaabilsan dhalinyarada Soomaalida deegaanka Maine oo Lewiston-na ka tirsan tahay, ayaa sheegay in ay adagtahay in Soomaalida ay ka tagaan dhaqankooda iyo diintooda, balse ay wadi doonaan cabashooyinka ay uga so hor jeedaan Robert McDonald.

Source: BBC Soomaali